Home > PUNTLAND, Somaliland, WARARKA > Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyay eedeyn katimid Puntland

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyay eedeyn katimid Puntland

Tuesday, November 9, 2010

Hargeysa(Laaska News) November 09,2010.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr.Cabdillaahi Jaamac Cismaan oo idaacadda BBC-da laanta af-Soomaaliga siiyay waraysi ayaa jawaab kulul ka bixiyay,eedeymo ka soo yeedhay Maamulka Puntland,jawaabtaas oo daba joogta waraysi uu siiyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Idaacadda BBC-da shalay.

Wuxuuna wasiirkaasi Puntland sheegay: in ciidamo ka mushaar qaata maamulka Somaliland  oo deegaanka ka soo jeeda ay dagaalkii Galgalala ku jireen, qaarkoodna ay ku dhinteen, oo ay taakulaynayeen, Ciidanka uu hogaaminayay  wadaadka la yiraahdo Sh. Atam- kooxda Galgala ee dagaalka kula jiray Maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

Somaliland wax argagaxiso ah ma joogaan,Somaliland ma joogaan wax argagixiso ah,Somaliland wax argagixiso ma soogalin,Somaliland wey la dagaalantaa.

Waxaannu nahay Xukuumadda kaliya intaan ogahay ee dastuurkoodu ku qoran yahay la dagaalanka argagixisada.

Markaa waxaannu aad iyo aad uga xun nahay aflagaadada ayaamaha danbe kasoo baxaya maamulka puntland oo iminka maraya waxaan loo dulqaadan karin.

Ciidankayagu maaha argagixiso,

annagu Somaliland iyo xukuumadeedu  mabda’ ahaan ayaannu uga soo horjeedaa argagaxisada.

Waxaa kale oo uu sheegay in wadaadka Atam uu ugu qoran yahay Argagixiso isga oo ka jawaabaya sidee u aragtaan Sh.Atam.

Waxaannu diyaar unahay inaan iska kaashano la dagaalanka xargagixisada.

Laaska News

About these ads