Puntland: PL & TFG oo wada shaqayntoodii Khatar ku jirto-War saxaafadeed
Garowe(Laaska News).
Wasiira Dowlaha Dasturka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowlada Puntland Pro. Cabdi Xasan Jimcaale oo shir saxaafadeed ku qabtay 12.11.2010 xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe ayaa sheegey iney ka fiirsanayaan xiriirka ay leeyihiin dowlada Federaalka.
Qodobada Warsaxafdedkan lagu akhriyey ayaa waxa saldhig u ahaa hirgalin la’aanta heshiiskii Galkacayo August 23,2009 kasoo ay kala sixiixden dowlada Puntland iyo xukumadii uu madaxda ka ahaa cumar Cabdirashiid.
Qodobada Warsaxafadeedkaan lagu xusey ayaa waxaa kamid ahaa:
1.Puntland waxay ka wal wal qabtaa fulin la’aanta heshiiskii Gaalkacyo ee 23/August/2009 lagu gaarey.2.Puntland waxay ka walwalsan tahay rabitaan la’aanta ay ka caga jiidayso in la dhamaystiro dastuurka qabyada ah ee Dawladda Federaalka,oo dawladda TFG had iyo jeer aad moodaysid inaysan raali ka ahayn in dalka lagu soo dabaalo nidaamka federaalka ah.
3.Puntland waxay ka argagaxsan tahay muranka iyo is qabqabsiga soo noqnoqda ee dhex mara Hayadaha sharci dajinta iyo hayadda fulinta ,oo Madaxweynuhu uu udub dhexaad ka yahay taasi oo calaamad suaal saaraysa wax ku oolnimada Dawladda Federaalka.
4.Dawladda Puntland waxay si aada uga walwalsan tahay Dhaqanka taban ama khariban ee DKMG ah ay kula dhaqanto Puntland marka laga hadlaayo arimaha horumarka ee la xiriirra masraxa diblumaasiyadeed,iyagoo had iyo jeer u caga jugleeysa saraakiisha sar sare oo u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiin oo isir ahaan kasoo jeeda Puntland.
5.Dowlada Puntland waxay aad uga xuntahay warbixintii wakiilka Madaxweynaha Soomaaliya ee wadanka Maraykanka uu ku qoray Wargays ka soo baxa magaalada Washington (Huffington Post) 05/November/2010 oo ku dhaleeceeyay -ku saabsan isbedelka siyaasadeed ee Dawlada Maraykanka ee ku aadan in ay si toosa ula shaqaynayso maamulada ka jira dalka Soomaaliya.
6.Dawlada Puntland waxay wal wal ka muujinaysa taageerada iyo marti galinta shaqsiyaad ehel u ah kuna haminaaya in ay khal khal galiyaan amaanka mandaqada oo dhan.
Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in marka la eego qodobada kor ku xusan ay dowlada Puntland ku adag tahay iney wado xiriirka ay leedahay dowlada Fedraalka taasoo diirada lagu saarayo in gabi ahaanba dib loo eego xiriirka aan la leenahay TFG.
Sidaas waxaa saxaafada u akhriyey wasiir dowlalaha Dastuurka iyo arrimaha Fedraalka Dr. Abdi Xasan Jimcaale.
.
Laaska News