Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, SOMALI NEWS, Somaliland, WARARKA > Shir Nabadeed ka Furmay Maygaag (Zone 5) ee Xiisaddii Cagaare.

Shir Nabadeed ka Furmay Maygaag (Zone 5) ee Xiisaddii Cagaare.

Sunday, November 28, 2010

Laaska News-Meygaag.

Meygaag.

Wararka laga helayo Tuulada Meygaag ee ka tirsan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in uu ka furmay shir nabadayn ah oo ay ku wada hadlayaan Beelo walaalo ah,Daris iyo Daaqsin wadaag ah in muddo ah uu dhexmaray dagaalo goos goos ah ,oo soo noqnoqday,dhawr jeerna fashilmay nabadayn la gaaray.

Beelaha halkaas kuwada hadlayaa ayaa waxay ka soo kala jeedaan Degmada Kalabaydh(Bahararsame) ee Gobolka Sool iyo Burtinle(Cumar Maxamuud) ee Gobolka Nugaal.

Gogosha nabadda waxaa hadda markii u horaysay soo dhex galay maamulka Soomaalida ee Ethiopia,maamulkaas ayaana hadda wada.

Waxaa labada dhinac ee Kalabaydh iyo Burtinle ka tagay odayaal,Cuqaal iyo Isimo.

Waxaa kale oo la sugayaa Waxgarad kale oo iyagana la filayo inay gaaraan Halkaa,Maygaag.

Dhammaantood dadkaas ayaa kasoo jeeda,hadday noqoto kuwa la dhexdhexaadinayao iyo kuwa dhexdhexaadinayaba Beesha Daarood.

Habka wadahadalka ayaa wuxuu noqonayaa Hab dhaqanka waa faqsan,oo ka madax banaan wax siyaasad ah.

Si kastaba ha noqotee Haddaannu nahay Laaska News Wax badanna ka og Tolka halkaas dhibaatada ku kala gaartay, ee haddana nabadaynta laga wado waxaan ka codsanaynaa dhammaan Waxgaradka iyo Aqoonyahanada labada Beelood in ay taageeraan nabadayntaa,waxna ka qabtaan sidii nabad looga hirgalin lahaa labadaa Beelood ee Walaalaha ah.

 

Laaska News

About these ads
%d bloggers like this: