Home > ALL DARWIISH NEWS, Muqdisho, Somalia before 1991(Somalia ka hor 1991) > 20 sano oo kasoo wareegtay burburintii Qaranimada Somalia iyo Badbaadintii Ethiopia.

20 sano oo kasoo wareegtay burburintii Qaranimada Somalia iyo Badbaadintii Ethiopia.

Wednesday, January 26, 2011

January 26,2011 Laaska News http://laaska.wordpress.com

Waxaa maanta oo taarikhdu tahay 26/01/2011 ku buuxda  20 sano ama ka soo wareegtay maalintii 26/01/1991 ee ay dhacday Dawladdii Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Soomaaliya ee uu hogaaminayay (AHN) Major General  Maxamed Siyaad Barre,maalintaas oo ah maalintii uu ka baxay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa hogaaminayay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee xukunka dalka kula wareegay inqilaab aan dhiig ku daadan 21 Oktoobar 1969,kadib markii Madaxweynihii Somalia (AHUN) Dr. Cabdi rashiid Cali Sharmaarke la dilay 24 Oct.1969.

Waxaana muddo yar uu dalku gaaray horumar la taaban karo xagga  waxbarashada, caafimaadka,waxsoosaarka,ciidamada dalka.

Waqtigaas oo ay dawladda Somalia miisaan ku yeelatay Afrika,Carabaha iyo Adduunkaba, iyadoo Somalia ay muddo yar xor ahaydba.

 

Waxaase balaayo bilaabantay

  • Markii la’arkay   in wadankan uu si xad dhaaf ah u hormarayo,marka loo eego xagga tayada Waxbarashada iyo tirada ardada ee waxbaranaysa, Caafimaadka,warshadaha iyo waxsoosaarka,Beeraha,Xoolaha, tayada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, mawqaca Juqraafi ee ay ku taal Somalia, marinka Ganacsiga ee badaha iyo dharerka badda ee ay lee dahay,macdanta iyo Saliidda wadanka ku jirta,khatarta ay ku keeni karto dawladaha ay dariska latahay maadaama ay Soomaaliya ay tahay Dawlad 100% muslim ah,Cadaawada soo jireenka ahayd ee ka dhaxeysay Soomaali iyo Itoobiya.

Waxaase Dawladdii kacaanka dabin lala helay:

 Markii ay laysay Wadaadadii.
Raadinta Somali Weyn.
Markii lagalay Dagaalkii 77  ee Xoraynta Somali Galbeed.
Markii Dawladihii iyo Quwadihii jiray ay ka waayeen dawladda Somalia ,  siday wax urabeen iyo danihii ay Somalia ka lahaayeen.

Markii loo helay Jabhado ku kacsan Dawladdii Somalia oo Dawladihii cadawgu ku soo hubeeyaan iyagoo watay tan maanta taagan,halka ay jabhadaha ka taagnayd siyaad ha idin dhaafo.

Markii shacabka uu gacantooda galay hubku.

Waxaana meesha kabaxay aqoonyahano iyo Saraakiil ciidan oo tayo leh.
Waxaa bilawday kala shaki iyo qabiilo laga shakiyo.

Waxaana Somaliya ku bilawday burbur dhaqan,dhaqaale,iyo mid siyaasi.
 

Waxaa jabhadahaasi geysteen dhibaatooyin farabadan,hadday tahay Dawladdii Somalia iyo ciidamadeedii,shacabka Soomaaliyeed ee daganaa dhulkii ay soo weerareen ama beelihii ay beelahooda daris wadaaga ahaayeen iyo Jabhadahaasi beelaha ay ku abtirsanayeen ba.

Jabhadahaas dawladda Somalia ku kacay ayaa waxay ahaayeen jabhado ku salaysan beelo, kana soo jeeda qabiil,waana ta keentay in jabhadii ay ku guul daraystaan dagaaladoodii ilaa ay Muqdisho ka dhacday.

Wadamadaa ama Dawladahaas taageerayay jabhadaha waxay ka ilaalilyeen inay midoobaan jabhaduhu,oo ay yeeshaan hadaf midaysan oo ay ku badalaan dawladda markaa dhisnayd.

Waxaan qabaa inaysan jabhadihii kacay aysan ku guulaysan inay xukunka ka ridaan Dawladdii kacaanka,haddii ay dawladdu sii jirtana la’ arki lahaa iyagoo soo wada xerooday.

Haddaba yaa dawladdii Kacaanka Meesha kasaaray maxaase soo dadajiyay?

Waxaan qabaa ragga Qarankii Soomaaliya Burburiyay waxay ahaayeen Dawladaha Caalamka iyo kuwa dariska oo isugu tagay.
Waxaa muqdisho labadii sano(89,90) ee Dawladdaa  ugu dambeeyay ka socday fur fur dawladeed oo dhinac walba oo ay ka qayb qaadanayaan aqoonyahanno,Siyaasiin,Saraakiil ciidan,wadaado,kaabo qabiilo,Fanaaniin,Generalo,Siyaasiin dawladihii hore ah,dacaayaad iyo kicin.

Waxaa soo baxday Manafesto oo aan aaminsanahay kacdoonka muqdisho inay aabo u ahayd.

Waxaa laysla soo gaaray in magaalda gudaheeda laysku ugaarsado oo dagaalkii ciidamada iyo jabhaduhu ku wada jireen ee gobolada ka socday mid ka dhaw oo magaalada gudaheeda ka socda la’arko.

Haddaba waxaa is weydiin leh maadaama saddexdii jabhadood ee  SNM,SPM iyo USC ay heshiis ku gaareen inay dalka wada qabtaan oo qoloba ay aag ka gasho,haddana iyagoo qolana aysan soo gaarin aagga hadafka u ahaa ayaa 30kii bishii Dec.1990 laga bilaabay badhtamaha magaalada.

Maxaa hadda soo dadajiyay Dagaalkaa ee sida degdeg ah ku bilawday?

 Waxaa waqtigaa ridista Dawladda Somalia Garab socday Ridista Xukuumaddi Ethiopia ee uu hogaaminayay Mingesto Xayle Maryam, Waxaana ku soo dhawaaday Jabhadihii ladagaalamayay Mingeste,saaxiibna la ahaa Somalia.

Markaa Adduunku wuxuu arkay in haddii Mingeste uu hor dhaco  iyadoo dawladda Somaliya ay jirto ay Itoobiya noqonaysa mid burburta oo cadka ugu weyn ay Soomaaliya qaadanayso(Somali Galbeed).

Rumayso ama ha rumaysan! waxay ahayd bad baadintii Itoobiya iyo burburintii qaranka  Somalia,waxaana waday dawlado,Soomaalidana waa lagu guurayay tan iyo waqtigaa ilaa maanta oo aan joogno.

Markii xabaddu ka bilaabantay Muqdisho waxaa garab socday dil qorshaysan,waxaa la burburiyay xafiisyadii,waxaa dhacday bililiqaysii,waxaa markiiba guuray safaaridihii,waxaa la beegsaday qabiilo gaar ah,waxaa la dilay kuwo mucaarad ahaa oo dad caan ah oo xitaa qaarkood Manifesto ay ku jireen.

Ilaah baan kugu dhaarshee qof dawlad raba waxaa masamaynayaa? waa maya,taas ayaa ku tusaysa in aan talo Soomaaliyeed meesha ku jirin.

Waxaa xusid mudan in muddo yar kahor in hogaamiyihii jabhadda USC  uu dhintay,halka garabka hubaysan ee heshiiska Jabhadaha kale la galay uu hogaaminayay (AHN) Gen. Aideed.Waxaana soo baxay garabyo kale.

Waxyaalaha Arrinta Somaliya Sii Murgiyay ee burburka dabka ku shiday ayaan waxaan aaminsanahay dulmiga laga galay qofaan waxba galabsan arrintaas oo ilaa hadda socota,inkastoo ay hadda  meesha kabaxday tii qabiilka laysku laynayay.

Waxaan ku gabaogabaynayaa Soomaaliyay haddaad idinku burburiseen Soomaaliya,waxaad noqon lahaydeen kuwa ku dhisi kara hal maalin,taasoo la raaci lahaa go’aan kaliya oo ka soo baxa cida taladu gacanta ugu jirto.

Waxaan aad ula yaabay in ragga Siyaasiinta iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee maalmahan ay waraysanaysay Idaacada VOA iyo  BBC du aysan u sheegin sida ay wax ujireen.

Soomaalina ninkii joogay Muqdisho 1991 burburkii Dawladda wuu og yahay in Magacaabista Cali Mahdi ay ahayd arrin lagala cararayay in awoodda dalka ay jabhadaha gacanta u gasho,gaar ahaan Gen Aideed(AHUN) oo ay heshiis kuwada jireen SPM iyo SNM.

Khuburadii xamar joogtay ee kacdoonka muqdisho waday ee aan isleeyahay waa kooxda burburinta Dawladda Soomaaliyeed loo soo maray  iyo inuu siyaad kabaxo muqdisho,waxay kaloo lahaayeen shax kale oo beel beel loogu kala qaybiyay jabhadii rasmiga ahayd ee USC garabkii uu  hogaaminayay Gen. Aideed,iyagoo ku guulaystay in jilib walba xero gaar ah degaan.

Isla maalmaha waxaa olole lagu qaaday oo lasameeyay dacaayaad ku wajahan SPM iyo ina cumar jees,waxaana ka mid ahaa in SPM tu qabsatay,ama dishay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya (AHUN) Adan Cadde, iyo inay xireen ceelishii biyaha – markii dambana waxaa lagu qaaday weerar aanay kula socon taageerayaasha Gen. Aideed.

Col. Jees ayaa isagu ku socday heshiiskii hore ee uu lagalay Gen.Aideed iyo SNM, wuxuuna diiday talooyin  loogu soo jeediyay beer ku taal Afgooye,ciidankiisuna waxay ba kulaalayeen maatadii guryahooda laga saaray iyo Daaroodkii talo la’aantu ka dhaxaysay ee wada qaxay.

Waqtiga ay waxaasi dhacayaan ama la dooranayo Cali mahdi waxaa socda dilal,dhac iyo kufsi.

Ma aysan jirin qorshe jiray oo lagu badbaadinayo dadka ama amniga lagu sugayo ama wax keeni kara innaba dhisid dawladnimo oo ay wadeen siyaasi,madaxda jabhadaha,aqoon yahan ama culumaa udiin waqtigaa ku sugnaa Muqdisho.

Arrimahaasna waa waxyaalaha keenay Dagaaladii ama weerarkii Gaalkacyo,isku dhacii Cali mahdi iyo Aideed.

Waxaana laga dhaxlay is aamin darro iyo in dawlado shisheeye la maqlo oo aanay Soomaali is maqlin isna aamini weydo.

Maanta oo laga joogo 20 sano markii ay dhacday dawladdii Soomaaliya ayaan Soomaali waxaysan fahmin cidda dhimanaysa oo labada dhinac ka dhimanaysa inay tahay Soomaali iyo in Soomaaliya loo burburiyay dano laga leeyahay iyo in wali burburkii iyo kala qaybin lagu wado.

Waxaana muhiim ah in Somaali garataa in aan qolona la baabi’in karin,kooxna la dabar goyn karin,ciddii ku burburisayna aanay ku dhisayn!

Sababta ugu weyn oo waxaaasi u dhacayaan waa cadaalad la’aan iyo xaqa oo aan la sheegayn.

Fg.Qoraalkan waxaa nasoo gaarsiiyay goob jooge.

 Laaska News

http://laaska.wordpress.com

About these ads