Somalia:Madaxweyne Shariif oo Maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa ka dagay Adis ababa
Saturday, January 29,2011 Laaska News
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
isagoo ku sii jeeda magaalada Adis ababa halkaas oo uu kaga qeybgelidoono Shirka Madaxda wadamada Midowga Afrika oo
maalinta berito ah halkaasi ka furmaya.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta Xuseen Cabdi Xalane iyo xubno kale,
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu ka jeediyo khudbad ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo dadaalada socda
waxa la filaya Madaxweynaha mudada uu halkaasi joogo in uu kulamo la qaato Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Africa iyo caalamka.
Madaxweyne Shariif oo Adis gaaray
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu berri ka furmayo shirka hoggaamiyayaasha Midowga Afrika.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Mudane Maxamed C/llaahi Oomaar oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynuhu uu isla galabta kulan la qaatay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya horayna u ahaa madaxweynaha dalka Ghana.
labada Masuul ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan waddanka Soomaaliya, wuxuuna madaxweynuhu kulamo kale la qaadan doonaa madax kale sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda.
RM.
Laaska News.