Somalia:Guddiga Dib uheshiisiinta Qaranka oo baaq u diray beelaha ku dagaalamay Kalshaale
Baaq ku socda Beelaha ku dagaalamay Kalshaale
Wednesday, 09 February 2011 Laaska News
Muqdisho (RM) – Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ugu baaqay dhinacyadii dirirtu ku dhexmartay deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle inay joojiyaan gacan kahadalka iyagoona baaq kasoo saaray abaaraha kajira gobolada Soomaliya.
Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga dib u heshiisinta Qaran isla markaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha Gudigaasi Ismaaciil Macalin Muuse ayaa gabagabadiisii waxa ay ka soo saareen qodabo dhowr ah oo ku aadan xaalada Soomaaliya .
Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Mudane Ismaciil Macalin Muuse oo gababadii kulankaasi kadib saxaafada la hadlay ayaa ka waramay dhowr qodob oo ay ugu horeeyaso dagaalada mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanka Kalshaale ee agagaarka degmada Buuhoodle halkaasi oo uu ka dhacay dagaal gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Soomaaliland iyo dadka deegaanka oo gacan ka helayo ururka SSC.
Sidoo kale Mudane Ismaaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka maleeshiyaadka Shabab ee ku aadan in aaney gargaar la gaarsiin dadka ay abaaruhu ku halakeeyeen gobolada ay Soomaaliya kaga sugan yihiin.
waxaana uu ugu baaqay kooxda Shabab in ay siyaasada meel iska dhigaan ogolaadaanna in dadka la gargaaro, isagoo sidoo kale beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ee ilaahey wax siiyayna ka codsaday in gargaar Bani’aadanimo oo dagdag ah la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen oo uu sheegay in xiligan ay xaaladoodu aad u liidato.
Dhanka kale intii uu ku guda jiray gudoomiyaha guddiga dib u heshiisinta qaranka mudane ismaaciil macalin muuse ayaa sidoo kale sheegay in dagaalada ka socda deegaanka kalshaale ee gobolka sool ay guddigu qayb ka qaadan doonaan sidii xal looga gaari lahaa mashaakilaadka ka dhextaagan dadka soomaaliyeed ee halkaa ku dagaalamaya waxaana hadalka gudoomiyuhu uu imaanaya xili wali ay sii socdaan dagaaladaasi u dhexeeya ciidanka maamulka soomaaliland iyo dadka degaanka oo kaashanaayo ururka SSC ilaa iyo hadana ma muuqato cid si rasmi ah u kala dhexgahsay dhinacyada dagaalamay marka laga reebo baaqyo dhinacyada bulshada ka imaanaya
RM.
Laaska News.