Maraykanka: Laba nin oo Soomaali ah oo lagu xukumay xabsi + SAWIRRO
Laaska News Feberuary 15,2011
GRAND RAPIDS (Laaska News)-Sida ay qoreen warbaahinta qaarkeed ee ka soo baxa dalka maraykanka waxaa xabsi lagu xukumay laba nin oo ganacsade ahaa asalkooduna Soomaali yahay lana kala yiraahdo
Maxamed Suufi iyo Cumar Suufi ayaa lagu xukumay xabsi ah kiiba 5 sano ah iyo lacag farabadan.
Labadan nin oo walaalo ah ayaa la sheegay inay lahaayeen dukaan iibiya hilibka xalaasha ah oo ku yaala magaalda GRAND RAPIDS ee Gobolka Machigan ee wadanka Maraykanka,waxaana lagu helay dambi ah inay is daba marin jireen lacago deeq ah oo maraykanku siiyo dadka dakhligoodu hooseeyo.
Lacagtaas oo ku jirta kaar ama Bidaaqad ama Boono hadba sidaad u taqaanid ayaa loogu tala galay in lagu iibsado cuntada.
Lacagtan iyada ah ayaa qofka waxaa loogu soo shubaa kaar ama bidaaqad ama waa ba “boono cunto”,ganacsataduna waxay uga iibin karaan oo kaliya cuntada,wixii wax ka badalan ku siiyana waa danbi.
Maxamed Sufi ayaa shalay maxkamadi ku heshay dambi ah isdabamarin uu ku sameeyay kaar lacageed ama Boono cunto gadashada ah , lacag gaaraysa ilaa $400,000 ,waxaana lagu xukumay shan(5) sano oo xadhig ah iyo inuu bixiyo khasaarihii.
Cumar Suufi ayaa horay loogu xukumay sidan oo kale muddo ah 5 sano iyo inuu gudo(dib-ubixiyo,mag-dhaw) lacag dhan $401,670.
Labadan ee walaalaha ah ayaa waxaa kale oo lagu soo eedeeyay inay ganacsi kale oo lacaga diris qarsoodi ah ay sameeyeen una direen lacago kumaankun ah Bariga dhexe iyo Africa.
Habka ay Boono cunto ku iibsiga ahaa ayaa waxaa la leeyahay waxay iyagu dadkii ugu badaleen lacago kaash ah ama waxyaalo kale oo aan waafaqsanayn barnaamijka Dawladda ee Boono cunto ka gadashada, kalabadalkaana waxbay ku lahaayeen(khidmad).
Eedeysanayaashan ayaa sheegay in xukuumaddu ay khasaaraha ku samaysay kabadbadis.
Sheekada oo dhan ee labada nin ee la xukamay ka akhriso xagga hoose iyadoo af Ingiriisi ah.
Maxamed Sufi -Machigan:Grand Rapids (Somali) businessman sentenced to prison for food-stamp fraud
Cumar Sufi -Machigan:Grand Rapids man originally from Somalia busted in $400,000 food-stamp fraud sent to prison
Laaska News.