Wasiirkii hore ee Puntland Mr. Biixi Xogta hoose ee uu Maamulka Faroole ka sheegay iyo hanjabaadii Faroole iyo Hadalka Odayga u weyn Isaaq ee Cabdi Waraabe Kee Run ah – AKRI/DHAGEYSO
Laask News Feberuary 25,2011

Biixi
Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Puntland Mr. Bashiir Cali Biixi oo la hadlay dadka reer Mudug ayaa xogo badan oo Maamulka Faroole banaanka soo dhigay,Siyaasada Madaxweyne Faroole ayuu aad u dhaliilay.
Mr. Biixi ayaa dadkaa u sheegay inay reer Mudug ku dulman yihiin,waxaa kale uu kahadlay canshuurta laga qaado Mudug.
Waxaa muuqata in kacdoon ka jiro reer Mudug,waxaadna hadaad dhageysato hadalkaa uu ujeediyay Bulshada Galkacayo,iyo Mudaharaadyada ay sameeyeen iyo mudaharaadka ka dhacay Garoowe inay keentay xiisadaha cusub ee hadda laga dareemayo Puntland.
Mr. Biixi ayaa ka hadlay amnixumo,dilal iyo dad la laayay.
Mr.Biixi ayaa ka hadlay Sool iyo Cayn maamulkana ku duray in Qunsulk Itoobiya uga digay inaysan Puntland faragashan Gobolada Sool iyo Cayn,abaabulkana ay joojiyaan.
Mr.Biixi ayaa sheegay in Isimada aanay hadda door ku lahayn maamulka isagoo sheegay in Puntland ay dhiseen Isimadu,haddana aysan gali karin Madaxtooyada.
Waxaa kale uu ka hadlay xiriirka loo jaray Federaalka iyo heshiisyada shirkada Sarecen.
Marka waxa is weydiin leh Khilaafka Siyaasadeed ee muuqda iyo tabashada Puntland dhexdeeda ah ma hagaajin kartaa maamulka mise waxay keeni kartaa burbur iyo colaad,mase lagu soo celin karaa dhul iyo dad aan diyaar u ahayn maamulkaaga oo iyagiiba kala qaybsan.
Kacdoonadaasi saamayn intee la eg ayay ku leedahay xiisadaha colaadeed ee ka taagan Cayn iyo Sool.
Maxaase kacdoonada iyo colaadaha ka suu aadiyay waqtigii ay dadku ugu jilicsanaayeen ee abaari iyo Biyo la’aan ay ka taagan tahay deegaanada oo dhan.
Hadaba isku eeg hadalka Biixi (waa laga saaray) iyo hadaladii kululaa ee ay is dhaafsadeen Maamulka Puntland iyo Somaliland.
Halkan waxaad ka akhrisaa odayga Beesha Isaaq ugu da’da weyn Xaaji Cabdi Waraabe hadal laga sheegay oo lagu qoray Hatuf.
.
Annagu hadaanu mid raaci lahayn nalooma sheegin!! waa halkii Faarax Galooleye.
Related Story:
Puntland:Mudaharaadyo ka dhacay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo
Laaska News