Shil Baabuur oo 5 qof ku dhinteen oo ka dhacay wadada isku xirta Garowe & Bosaso
Bosaso (Laaska News) – wararka laga helayo Boosaaso ayaa ku soo waramaya in maanta galinkii hore uu shil ka dhacay wadada dheer ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso,gaar ahaan meel udhaw Waaciya.
Shilkaas ayaa sida lagu soo waramayo ahaa isku dhac laba baabuur oo midi ahaa gaari weyn oo ah (N3), ka yimid dhinaca Boosaaso iyo gaari yar oo ka yimid dhinaca Garowe.
Waxaana geeriyooday 5 qof oo 4 kamid ah ay saaraayeen gaariga yar ayna ahaayeen Odayaal Nabadoona ah oo reer Boosaaso ah,waxaana dhaawac culus soo gaaray darawalkii gaariga yar,waxaana loola cararay dhakhtarka,qofka kale ee dhintay ayaa ahaa Kirish boy gii Gaariga weyn.
Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ee Gobolada Bari iyo Karkaar G/Dhexe Saciid Cumar Xasan ayaa warbaahinta u cadeeyay shilkaas.
Laaska News.