Home > ALL DARWIISH NEWS, Faallo, PUNTLAND, SOCIETY, SOMALIA, Somaliland, TFG Somalia, WARARKA > Dawladda Soomaaliya maxay ka ogtahay Colaada Aljazeera TV ee Qadar iyo Godobaha ay ka galeyso Soomaalida – Somalida Ku nool Yem…..

Dawladda Soomaaliya maxay ka ogtahay Colaada Aljazeera TV ee Qadar iyo Godobaha ay ka galeyso Soomaalida – Somalida Ku nool Yem…..

Wednesday, March 16, 2011

Laaska News March 16,2011.
TV ga Aljasiira ayaa waxa uu yahay TV ay leedahay Dawladda Qadar,waxa uu yahay TV ay dadka Carabta ah ay aad ula socdaan,qaybtiisa Carabiga ah,wuxuuna hadda umadii ku noqday fidno dadka loo soo diray laakiin dadkaa daawada aysan wax badan ka ogoyn gaar ahaan dhibta uu dalalka iyo shucuubtaba ku hayo.

Intii garaty dhibtaa uu dadka ugaysanayo ee awood dawladeed u leh wey ka diyaar garoobeen oo waxay usamaysteen warbaahin kale oo ay ku beeniyaan waxyaalaha ay danahooda wax ugu dhimaan.

.

Hadaba waxaan rabaa inaan Soomaali gaarsiiyo waxyar oo kamid ah colaadaha iyo dhibta ay ku hayso Soomaalida gaar ahaan Soomaalida ku nool wadanka Yemen,warkaas oo ay isoo gaarsiiyeen Odayaal,aqoon yahano,Arday Jaamacadeed, iyo hooyooyin kunool wadankaa,waxay dadkaas oo muddo badan ku sugnaa wadanka ahna qoysas ,dhalinyaro,arday iyo dad siyaalo kala duwan ugu noolba, waxaa la soo daristay xaalado cabsi iyo welwel horleh,kadib markii TV alJasiira uu sii daayay war ah in Dawladda Yemen ay dadka Soomaalida ee Qaxootiga ah ay ka qoratay ciidan oo ay tababar siinayso ayna u adeegsato sida Argagaxiso

وأكد لمراسل الجزيرة نت وجود ما وصفها بمعلومات تفيد بتجنيد السلطات في عدن لأعداد من اللاجئين الصوماليين لتدريبهم وتسليحهم في معسكراتها، ومواصلة توظيف ورقة تنظيم القاعدة والإرهاب، لافتا إلى أن السلطات الرسمية في عدن أفرجت في الآونة الأخيرة عن بعض العناصر للمشاركة في الأحداث الجارية.

Warkan ayay waxay waliba dhex galisay war aad u xasaasi ah oo ay Yemen iyo Sacuudigaba ay ku durayso.

Halkan ka akhri warkii oo af  Carabi  ah oo ka fur AlJazeera  Carabi.

.

Waxaa xusid mudan si gaarah inay Qadar iyo Sacuudigu isku hayaan,Sacuudiguna markuu u adkaysan waayay uu samaystay Al Arabiya.

Waxaana sida lawada ogsoon yahay ka socda wadanka kacdoono ay shacabka qaarkood wadaan kagana soo horjeedaan Dawladda.

“Mana jirto rabshadaha ka socda Soomaali ka qayb qaadata,waxayse wadaan wixii xunba xaawa leh iyo waa looma ooyaan”.
Waxaa in dhawayd socday dhaga hadal iyo hanjabaado,waxaana dhegahaagu ku soo dhacaya ama laguula badheedhayaa Soomaaliyay waxaad joogtaan waa inta Odaygu joogo(Madaxweynaha Wadanka).

Waxaa kaloo garab socda Joornaalada iyo TV ga Mucaaradka oo faafiyay in dawladdu Calooshooda ushaqaystayaal ay ka qoratay Qaxootiga Soomaalida ee degan wadanka,waana arrin la wada og yahay oo xitaa ay ka hadashay UNHCR laguna qoray IRIN laguna beenaynayo warkaas.

Halkan ka eeg warka     IRIN

YEMEN: UNHCR concerned over allegations of Somali mercenaries

ama

Halkan

AlJasiira TV waxa kale oo uu siidaayay war kale iyo Baasaboor uu leeyahay waxaa leh Calooshooda ushaqaystayaal Soomaali ah oo uu qortay Madaxweynaha Liibiya Mr.Qadaafi,wixii waqtigaa ka dambeeyay Soomaalidii ku noolayd Liibiya waxay noqdeen harag shabeel iyadoo ajaanib oo dhan ay dhibtu kawada haysato,waxaana ka markhaati ah nin kasta oo dhibtaa soo martay ama ehel u ah dadkaas.

.

Isla waqtigaa ay Aljasiira ay warkaa sii daysay ayaa Soomaalidii Yemen daganaydna lagu bilaabay oo la yiri waa calooshooda ushaqaystayaal,maalmahii ku xigayna joornaalada Dawladda ka soo horjeeda ayaa lagu qoray in dawladdu qorotay Soomaalida askar.
Aljasiira TV Qaybta Ingiriiska ayaa hadda ka hor waxay siidaysay Barnaamij ay kaga hadlayso dumar jirkooda iisbsada oo ku nool Cadan kuna sheegtay inay gabdhahaasi yihiin Qaxooti Soomaali ah, waxaase la yaab leh inay dumarkaasi ay kor iyo hoosba ka daboolnaayeen oo indhahooda kaliya la arkayay kuna hadlayeen afka carabiga,laguna waraysanayay afka carabiga,mana jirin wax astaan Soomaaliyeed oo ka muuqatay.

.

Mana jirto wadamada carbeed ama wadan kalaba in ay samayso intay dumar ay filim kasoo duubto ay tiraahdo waa wadan hebel, Soomaali mooyaane,taasina waa mid Dawlad iyo shacab Soomaaliyeed u taala.

.
Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Soomaaliyeed,Shacabka Soomaaliyeed,UN,UNHCR,Hay’adaha Xuquuqal Insaanka,iyo qofkasta oo damiir lihi inuu talaabada ugu haboon ka qaato falkaas foosha xun ee Aljasiira ku hayso Soomaalida,lana badbaadiyo Soomaalida kunool wadankaa Yemen.

.

Aljasiira iyo Qadarna waa inay ogaadaan in Soomaali kala xisaabtami doonto godobtaa ay Soomaali ka galayso.

 

Soomaalida Kunool Yemen.

 

 

Fg.Soomaaliyay warkaa isgaarsiiya oo af walba ku qora oo  daraawiishna gaarsiiya.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

About these ads
  1. abdirizak waayeel
    Wednesday, July 6, 2011 at 9:19 am | #1

    webkan wa very aptade gar ahan wararka aduunka xasaasiga ah sida libiya dad badana source information u yahay mamulka aadan ugu mahad celina

  2. ahmed gaaladiid
    Sunday, March 20, 2011 at 1:35 pm | #2

    qaladba looqildayaya qalada qalad lagusaxaya .
    somaliyua malahn mel agu magaabo tasfiyatu sixabad ee wadan leh dowlad sharciyad leh hadenan lahen dowlad inaga ayan aqonyahankedi ah oo lazisabtameya dadka somaliya sjaqa ka dhigtay iney xisabatda ku sifeyan marka wali somali raga o nool oo daremaya dhibka lagu hayo ad ayad umahadsantahay .

  3. Mohamad
    Saturday, March 19, 2011 at 6:52 am | #3

    shaki kuma jiro in somalidu dhibban tahay meel ay joogtaba, mushkiladana ma ahan warbaahinta ee waa dowlad la’aanta, haddii soomaalidu dowlad lahaan laheyd maba jiri laheyn qaxooti soomaaliyeed, ma jiri laheyn soomaali go’doon ah, ma jiri laheyn soomaali lagu been abuurto, dowladda soomaaliya waxa y ku guul dareystay in ay caalmka ka hesho gurmad lagu soo daad gureyo qaxootiga soomaalida ee libya xilli ay dowladaha yurub ay gacan kasiiyeen Masar oo ah dowlada xoog leh xuduudna laleh Libya in ay dadkeeda loosoo daad gureyo!!, warbaahinta gaar ahaan aljazeera Tv wax dan ah uguma jirto in la dulmiyo soomaalida laakiin shaqadeeda ayaa ah in i ay wararka soo gudbiso waxii qaldanna waxaa mas’uuliyaddeeda leh isha warka laga soo xigtay soomaalidana haddii ay beeniso waxa lag tabiyay waa loo sii deynaa beeninteeda, ee waxaa ila quman in juhdiga lagu bixinaa la coleytanka aljazeera oo aan jazeerana wax u dhimeyn soomaalina aan wax u tareynin lagu bixiyo abaabulka sidii soomaalida yemen isga fogeyn laheyd eedeyntaas oo waliba aljazeera qudheeda lala xariiro loona gudbiyo cabashada jirto, laakiin mr waliba yaanan xaqiiqda iska indha tirin mushkiladda jirto waa mushkilad soomaaliyeed ee ma ahan yemen iyo aljazeera toona, markii qaxootiga soomaaliyeed ay dacdarada ku haasatay Juxeyn, Basaatiin iyo qalloocan aljazeera Tv maba jirin.

  4. ahmed gaaladiid
    Thursday, March 17, 2011 at 2:24 pm | #4

    Waxaan u sheegeynaa tvga jazeera in mar uun lala xisabtami doono dhibka ay ugeysatay somalida kunool dalka dibadiisa iyo guduhiisa, waana u mahad celinaya qoraaga soo qoray qormadan oo ku baraarugay mar hore dhagarta jazeera ey u heyso soomaalida.

    Waxaana leeyahay haloo soo jeesto dagaalka looga so horjeedo jazeera.

    Mahadsanidin.

Comments are closed.