Libya -Afhayeenka Xukuumada :Warka ah Qadaafi waa dhaawac “waa hadal aan waxba ka jirin”
Laaska News May 14,2011

Tripoli -Afhayeenka Xukuumada Liibiya Muusa Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay warka uu siidaayay Wasiirka Arrimaha
dibadda ee Talyaanigu Franco Frattini ee uu la xiriiriyay ina ay suura gal tahay in uu hogaamiyaha Libya Mucamar Al Qadaafi ay waxyeelo soo gaartay “waa hadal aan waxba kajirin”.
Mr.Ibrahim ayaa sheegay Jimcihii in Qadaafi aanay jirin gabi ahaanba waxyeelo soo gaartay,niyadiisuna aad ay usareysaa,walina uu maamulayo hawlaha Wadanka.
Qadaafi ayaa habeenkii khamiista ka muuqday shaashada Telefishinka ee dawlada Liibiya markii uhoraysay tan iyo intii ladilay wiilkiisa iyo saddexda ilmood ee uu awoowaha u ahaa,wuxuuna qaabilayay madax dhaqameedyo qabaa’ilka Liibiya ah isagoo gashan muraayado mad madaw.
Waxaa kale oo intaa dheer Mr. Qadaafi ayaa saacado ka hor wuxuu hadal usoodiray Telefishanka wadanka Liibiya isagoo sheegay inuu nabad qabo meel nabad ahna uu ku sugan yahay.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com