Home
> Ahlusunna Waljamaaca, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweyne Sh. Shariif oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ahlusunna
Somalia:Madaxweyne Sh. Shariif oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ahlusunna
Sunday, May 22, 2011
Laaska News May 22,2011 War-Saxaafadeed
(Muqdisho -Soomaaliya-May 22, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wuxuu xafiiskiisa Villa Soomaaliya ku qaabilay Gudoomiyaha Ahlu Sunna Walajameeca Macallin Maxamud Sheekh Xassan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha ASWJ ayaa Kulankaan waxeey uga wada hadleen xaalada siyaasada,amniga, iyo xilliga kala guurka ee uu dalku marayo.
Ugu danbeyntii waxaa la’isku fahmay dhamaan arrimihii looga wadahadlay kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale waxeey Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha ayaa go’aansaday in ay kulamo kale yeeshaan.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com