Home > SOCIETY, SOMALI NEWS, SOMALIA > Tunisia:MSF oo ka deyrisay Qaxootiga Soomalaiyeed ee Tunisia – War-saxaafadeed

Tunisia:MSF oo ka deyrisay Qaxootiga Soomalaiyeed ee Tunisia – War-saxaafadeed

Monday, May 30, 2011

Laaska News  May 30,2011

BEN GARDANE/GENEVA, 26 Maajo 2011 – Iyada oo ay ka sii dareyso rabshadda ka taagan xero qaxooti oo ku taalla xuduudda Tuniisiya-Liibiya, ayaa Dhakhaatiirka Aan Xuduudda Lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa welwel geliyey xaaladda qaxootiga ku lug go’an xerooyinka ku-meelgaarka ah ee ay rabshadduna haysato.

Boqollaal kun oo qaxooti ah ayaa xerada Shousha soo marey tan iyo markii uu bilowdey iskahorimaadka Liibiya, laakiin tiro ka badan 3500 oo ay ka mid yihiin in ka badan 1380 qaxooti Soomaali ah, ayaa aan dalalkoodii lagu celin karin waxaana dadkaas haysta mustaqbal aan la isku halleyn karin.

“Maalmihii la soo dhaafey, waxaa aan aragney in ay si sii kordheysa ay kor ugu kacayaan rabshadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin iskahorimaadyo joogto ah oo dhex maraya kooxo qaxooti ah oo dalal kala duwan u kala dhashey,” ayaa uu yiri Mike Bates, oo ah madaxa ergada MSF. “Waxa ay muddo aan dhammaad lahayn ku lug go’an yihiin  xeradan – oo ah mid loogu talo galey in ay ahaato mid ku-meelgaar ah oo muddo kooban lagu sii hakado. Dadkan badidoodu waxa ay dareemayaan in ay ku jiraan xaalad aan rajo laga qabin, iyaga oo aaney wax mustaqbal wanaagsan ah oo ay leeyihiinna u muuqan.”

22-kii Maajo, afar qof oo qaxooti ah ayaa dhintey ka dib markii dab aan la garan waxa uu ka dhashey uu goor habeen ah ku faafey xerada, kaas oo burburiyey in ka badan 20 teendho. Iyada oo ay xiisaddu cirka isku sii shareereysey, ayaa waxaa haddana jirey rabshado kale oo dhex marey qaxooti qowmiyado kala duwan ka soo kala jeeda oo ku nool xerada. Dadka degaanka ayaa sidoo kale arrinta ku lug lahaa. Maalintii talaadada ahayd ee 24-kii Maajo, ayaa ay laba qofood dhinteen, halka qaar kale oo badan ay ku dhaawacmeen oo 300 ilaa 400 oo teendhana la gubey.

Tan iyo bilowgii Maarso, ayaa MSF waxa ay barnaamij caafimaadka dhimmirka ah siineysey dadka ka soo cararey iskahorimaadka Liibiya, iyada oo bixisey in ka badan 9,000 la-talinta caafimaadka dhimmirka ah. Dad badan ayaa ay soo mareen oo u soo joogey xaalado dhaawac maskaxda u geysta, iyada oo dhibaatada goob-joog u soo ahaa amaba si toos ah ula kulmey intii ay ku soo jireen safarkii ay kaga soo baxsanayeen Liibiya. Intaa waxaa dheer, in kumanaan qaxooti u dhashey dalalka Afrika ee Sahara ka hooseeya ah la dhibaateeyey oo si xunna loola dhaqmey ka hor intii uusan bilaaban iskahorimaadka Liibiya.

Iskuhorimaadka Liibiya ayaa dadkan naftooda halis sii geliyey. Tan iyo markii uu bilowdey iskahorimaadka 17-kii Febraayo, ilaa 800,000 qof – oo u badan dad aan Liibiyaan ahayn – ayaa ka soo cararey dalka, iyada oo dadkaas badidoodu ay u carareen dalalka Masar iyo Tuniisiya. Kumanaan qof ayaa naftooda halis geliyey iyaga oo u cararey dhinaca waqooyi oo badda Mediterranean-ka uga gudbey dhinaca Yurub; in ka badan 11,000 qof ayaa gaarey jasiiradda Talyaaniga ku taalla ee Lampedusa. In ka badan 60,000 qof ayaa u qaxay dhinaca koonfureed iyaga oo sii marey lama degaanka oo u gudbey Nayjar iyo meelo ka sii fog.

Warqad furan oo ay soo saartey 19-kii Maajo, ayaa MSF waxa ay hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ee ku lugta leh dagaalka Liibiya waxa ay ku baraarujisey xaaladda ba’an ee haysata muhaajiriinta iska horimaadka dartiisa dhinaca Yurub ugu soo cararaya, waxaana ay dhaliishey siyaasadaha socdaalka ee reer Yurub ee aan meel loogu hagaago lahayn.

“Arrimihii ugu dambeeyey ee ka soo kordhey xerada Shousha ayaa muujinaya sida aaney u jirin fursado ammaan ah oo ay haystaan dadka ka soo cararaya Liibiya, gaar ahaan muwaadiniinta dalalka Saharaha ka hooseeya, oo safarka ay ugu jiraan in ay helaan nolol tooda ka wanaagsan uu yahay qarow argagax leh oo  aan dhammaad lahayn,” ayaa uu yiri Bates.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads
%d bloggers like this: