Somalia:Ururka Al islaax oo ka soo horjeestay heshiiskii Kambaala
Laaska News June 13,2011
Ururka Islamiga ah ee Al-Islax ayaa sheegay inaysan maslaxadda Soomaliya ku jirin Khilaafaadyada iyo heshiiskii ka dhacay Magaalada Kambala, isagoo dhanka kale ku baaqay in muddo hal sano ah loo wada kordhiyo hay’adaha ay ka koobantahay Dowladda Soomaaliya.
Kadib kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Ururka Islaamiga ah ee Al islaax ayaa waxaa looga hadlay arrimo faro badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii ay madaxda sare ee dalka ku gaareen magaalada Kampala, mudaaharaadyada ka socda gudaha dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee uu haatan marayo wadanka.
Markii uu soo dhamaaday kulanka xubnaha ururka islaamiga ah ee Al islaax aya waxaa saxaafadda u aqriyay bayaankii ka soo baxay kulankooda Mudane Xuseen Cabdi Aaden oo ka mid ah xubnaha Golaha Fulinta e ururka Al islaax, isagoo tilmaamay in xubnuhu ay isku raaceen in madaxda sare ee dalka loogu baaqo inay maqlaan codka dadweynaha, isla markaana ay ka soo horjeedaan heshiiskii ka dhacay Kampala, waxa uuna intaasi raaciyay in ururku soo jeedinayo in si wada jir ah muddo hal sano ah loogu wado kordhiyo hay’adaha dowladda sida Xukuumadda iyo baarlamanka.
Sidoo klae Guddoomiyaha Ururka Islamiga ah ee Al islaax Sh, Cusmaan Ibraahim Axmed oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maslaxadda ummadda Soomaaliyeed aysan ku jirin is qabqabsiga siyaasadeed iyo heshiiskii lagu gaaray Kampala, waxa uunta tilmaamay in loo baahanyahay in fursad la siiyo Xukuumadda si ay u dhammeystirto howlaha adag ee hor yaala.
Hadalkan ka soo baxay Ururka islaamiga ah ee Al islax ayaa ku soo beegmay waqti ay qeybaha kale duwan e Bulshada dhowr jeer ku celceliyeen in muddo hal sano ah loo wada kordhiyo hay’adaha Dastuuriga ah ee dowladda, islamarkaana ay madaxda sare ee dalka la yimaadaan mowqif cad oo looga gudbi karo marxladad kala guurk aah.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com