Home > SOCIETY, Somali Students > Somalia:Xaflad Qalin jebin ah oo lagu qabtay Muqdisho-SAWIRRO

Somalia:Xaflad Qalin jebin ah oo lagu qabtay Muqdisho-SAWIRRO

Saturday, June 18, 2011

Laaska News  June 18,2011

Muqdisho,Somalia – Xaflad ay ku qalin jabiyeen in ka badan 40 Arday ayaa maanta lagu qabtay Jaamacadda Indian Octian ee magaalada Muqdisho.

Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka qalin jabiyeen Ardayda machadka MTTI  oo bartay maadada caafimaadka ayaa  waxaa ka soo qayb galay  mas’uuliyiin, waalidiin, aqoonyahanno, Dhaqaatiir, Arday iyo marti sharaf kale  ayaa waxa lagu  qabtay xarunta Jaamacadda Indian Octian ee magaalada Muqdisho.

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa halkaasi riwaayad ka turjumeeso xaalada uu dalka marayo ku soo bandhigay ardaydii machadka MTTI , ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha hay’adda Vocot Cominiti Cali Shiik Yaasiin “Cali Fadhaa” waxa uuna sheegay in uu kula dardaarmayo Ardayda in ay sii wadaa dadaalkooda wax barasho.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Salaad Xuseen oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta xafladaasi ka soo qayb gashay, isagoo sheegay in sidoo kale uu Ardayda kula dardaarmayo in aysan ka caajisin waxbarashada oo uu sheegay in ay tahay mida kaliyay ee iftiimisa noloshooda.

Gebagabadii xaflada ayaa waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardaydii dhamaysatay barashada caafimaadka,  kuwaas oo isugu jiray 9 gabdhood iyo 39 wiil, iyadoo uu sheegay maamulka machadkaasi inuu soo saari dooono arday kale.

This slideshow requires JavaScript.

 RM.

Hambalyo

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads