Somalia:Madaxweynaha oo xildhibaanada u soo bandhigay R/wasaaraha uu magacaabi doono
Laaska News June 22,2011
Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa manta kulamo la yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaas oo uu u soo bandhigay masuulka uu u doortay in uu noqdo R/wasaaraha waddanka.
Xildhibaanada uu koox koox ula kulmay wuxuu madaxweynuhu u sheegay in Dr. C/wali Maxamed Cali uu u doortay in uu noqdo R/wasaaraha cusub ee dalka, isagoo taa sabab uga dhigay laba arrimood oo midkood tahay in aan waqti badan lagu bixin karin in la raadiyo ama la soo xulo qof loo magacaabo xilkaan iyo in loo baahan yahay in la helo qof aqoon leh, xog-ogaalna u ah howshii socotay.
Madaxweynaha ayaa sadex qaybood oo ka tirsan xildhibaanada maanta qaabilay kuwaas oo dhammaantood ka aqbalay in Dr. C/wali uu noqdo R/wasaaraha cusub ee dalka, soona dhaweeyay sida uu madaxweynuhu ula tashanayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xildhibaanada Baarlamaanka.
Sii haya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar oo ka qeyb galay kulanka uu madaxweynuhu galabta la qaatay xildhibaanad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo dowladda oo hal meel u jeedda oo aan khilaaf lahayn ka hor bisha Agoosto, wuxuu soo dhaweeyay dadaal kasta oo arrintaa lagu bixiyay iyo dadkii u tanaasulay, isagoo soo dhaweeyay in Dr. C/wali laga dhigo R/wasaaraha dalka.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay soo dhaweynayaan masuulka loo xulay in uu noqdo R/wasaare, isagoo rajeeyay in xildhibaanadu ay cod siin doonaan maadaama uu yahay aqoonyahan la socda waxa dalka ka jira.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaliyo dhammaan caqabadaha jira oo saameyn ku yeeshay howlaha shaqo ee dowladda, wuxuu soo qaatay in khilaafku uu sababay in hay’aduhu ay shaqooyinkooda qabsan waayaan, isagoo tusaale u soo qaatay Baarlamaanka oo aan kulmin ku dhawaad 4 bilood, xirnaanshaha baarlamaanka wuxuu ku tilmaamay mid caqabad ku ah dhammaan hay’adaha dowladda, si looga gudbo ayuu madaxweynuhu sheegay in la sameeyay tanaasul iyo wada hadal badan.
Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxwaynaha Dowladda ayaa sheegay in heshiiskii Kampala la horgeynayo Baarlamaanka oo xaq u leh in ay ka doodaan, kana saaraan wixii ay u arkaan caqbad, isla markaana iske leh awoodda meel marinta iyo diidmada, wuxuuna intaa raaciyay in uu ku qanacsan yahay waxa ay baarlamaanku ka yiraahdaan.
Madaxweyne Shariif ayaa kulamo kale la qaatay xildhibaano iyo guddoomiyaha Baarlamaanka sidoo kale berri gelinka hore ayuu la balansan yahay xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka, ayadoo xilli dhow laga filayo in uu magacaabo R/wasaaraha cusub ee dalka.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com