Somalia:Deg Deg – Dil ka dhacay Gaalkacyo
Laaska News June 25,2011
Waxaa hadda lagu soo waramay in dabley hubaysai ay ku toogteen caawa magaalada Gaalkacyo dambi baare lagu magacaabo C/salaan kana tirsanaa Booliska Gaalkacyo, sidaana waxaa sheegtay caawa laanta af soomaaliga ee idaacadda VOA:
War goor dhaweyd nasoo gaaray ayaa sheegaya in warka ka imnaya xaruunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo in goor dhaweyd dil toogasho ah lagu khaarijiyay dambi baarihii Gobolka Mudug Marxuum Cabdisalaan Cali Saylaan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in laba nin oo baastoolado ku hubaysani ay ku dileen iyagoo ku dilay meel 20 mitir ujirta xarunta saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.
Ilaa hadana ma jirto wax war ah oo faah faahsan oo kasoo baxa dhinaca maamulka iyo ka Puntland ba.
Related Articles:
Somalia:Meydadka Laba Askari oo la soo dhigay duleedka Boosaaso
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com