Somalia:Dawladda Soomaaliya oo aqoonsatay Koonfurta Sudan
Laaska News July 10,2011
Dawladda FKMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Koofurta Sudan kaddib markii ay ka go’day qeybihii kale ee Sudan.
Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Dr. C/kariim Xasan Jaamac oo wareysi qaas ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay gooni isu taagga Koofurta Sudan ,isagoo tilmaamay in ay dowladda Soomaaliya Mabda’ ahaan u aqoonsan tahay Koofurta Sudan.
Waxa uu farta ku fiiqay in arrintaani ay ka dambeysay safarkii ay madaxweynaha iyo wafdigiisa ku tageen magaalada Jubba islamrkaana ay uga qeyb qaaateen Munaasabadii dabaaldegga xoriyadda Koofurta Sudan.
Maalintii shalay ayaa waxa ay koofurta Sudan ka xurowday Woqooyiga Sudan kaddib markii ay heshiis wada saxiixdeen hoggaamiyaha Koofurta Silva Keer iyo Madaxweynaha woqooyiga Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.
Koofurta ayaa noqoneysa wadankii 54-aad ee ka tirsan qaarad weynta Afrika, iyadoo madax badan oo ka tirsan caalamka ay si weyn u soo dhoweeyeen qaadashada xornimadeeda.
Dawladda soomaaliya ayaa ka mid noqoneysa dowladaha ugu horeeya ee aqoonsada Koofurta Suudan, inay tahay mid ka madax banaan qeybaha kale Sudan.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com