Somalia:Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo booqday Barakacayaasha
Laaska News July 20,2011
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jery Rowlen ahaana Madaxweynihii hore ee Gaana ayaa booqday xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho isagoo u kuurgalay xaaladda nololeed ee Barakacayaashaasi tabaaleeysan.
Ergayga oo kormeerkiisa kadib saxaafadda la hadlay ayaa rajo xumo ka muujiyay xaaladda nololeed ee Barakacayaasha, wuxuuna ka digay in hadii aan gurmad degdeg ah lala soo gaarin muddo laba todobaad gudahooda ah ay halis ku jirto nolosha dadkaasi tabaaleysan.
Maalintii shalay ayuu Ergaga Midowga Africka ee Soomaaliya soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo isla shalay kulamo la qaatay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, waxeyna ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa Barakacayaasha iyo dadaalka ay dowladdu u gashay badbaadinta nolosha dadkaasi.
RM.
Somalia: kulanka Madaxweynaha iyo Ergayga Midowga Afrika -Daawo Sawirada
Somalia:Madaxda Dalka oo qaabilay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com