Somalia:Dagaal Beeleed Ka Dhacay Koonfurta Mudug
Laaska News August 29,2011 Warka TFG da
Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaanka Dhegtuur uu barqanimadii maanta ka dhacay dagaal beeleed u dhaxeeya Maleeshiyaad wada dega dhulka miyaga ah ee xadka ay wadaagaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Inta la ogyahay Sideed ruux ayaa ku geeriyootay in kabadan 20na waa ay ku dhaawacmeen dagaalkan maanta markale Maleeshiyo Beeleed walaalo ah ku dhexmaray deegaanka Dhegtuur ee dhaca koonfurta gobolka Mudug waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin dhinacyadii dagaalamay.
Deegaanku uu dagaalku ka dhacay oo ah dhul miyi ah ayaa lagu soo waramayaa inay hada ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa Labada Maleeshiyo beeleed taasi oo dadka deegaanku ay wel wel ka muujiyeen.
Waxaa durbaba soo baxaya baaqyo nabadeed oo ay jeedinayaan waxgaradka labada dhinac oo ay ku dalbanayaan in dirirta la joojiyo ayadoo sidoo kalena guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed ay ku baaqeen in lakala dhexgalo Maleeshiyo beeleedkaan walaalaha ah.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Dhegtuur ee koonfurta gobolka Mudug ayaa qeyb ka ah dagaal beeleed soo noq noqday oo dhexmara Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com