Home > TFG Somalia, US, WARARKA > Somalia:R/wasaaraha dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Virginia

Somalia:R/wasaaraha dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Virginia

Saturday, September 17, 2011

Laaska News  Sept. 17,2011    Warka TFG da
R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay kullan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykan iyadoo uu R/wasaaraha ugu war bixiyay Jaaliyadda xaaladda dalka iyo arrimaha siyaadda ee xukuumaddiisa.

Xaflad ballaran oo ay soo qaban qaabisay Jaaliydda degan magaalada Washington ee dalka Mareykanka islamarkaana lagu casuumay R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Welli Maxamed Cali ayaa waxa  uu R/wasaaraha faafaahin ka bixiyay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin khudbaddii uu ka hor aqriyay gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

R/wasaare Cabdi Welli ayaa sheegay in xaalada dalka uu haatan marayo at tahay mid aad u wanaagsan marka loo eego muddooyinkii danbe sida uu ahaa dalka iyo dhibaatad ka jirtay waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay nabad noqotay oo laga xureeyay kooxda Shabaab kaddin dadaal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo taagera ka hellaya kuwa AMISOM.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa Jaaliyadda gobolka Virginia ugu wax bixiyay shirkii wada tashiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho kaasi oo uu ku sheegay in uu guul ku soo dhammaaday maadaama dukumindi aad u culus muddo gaaban ay isku raaceyn dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay mudane Cabdi Welli in United Nation uu ballan qaaday in xaaladda Soomaaliya ay wax weyn ka qaban doonaan maadaama ay dowladda Soomaaliyeed shaqo wanaagsan qabatay, isagoo intaa raaciyay in aduunka uu Soomaaliya wax ugu qaban karo in ay isku duubnaadaan oo ay hal hadaf yeeshaan.

RM.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads