Somalia: Xildhibaan lagu dilay Gaalkacyo
Laaska News Sept. 20,2011 Warka TFG da

Gaalkacyo - War goor dhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland dil loogu geystay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Allaha u naxariistee Marxuum C.raxmaan Maxamuud Xaaji oo ku magac dheeraa (Koodhaa) ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland waxaana agagaarka Iskuulka Cumar Samatar ee xaafadda Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku toogtay Laba nin oo bastoolado ku hubeysan kuwaasi oo la sheegay inay afafka soo duubteen.
Ragga dilka u geystay Xildhibaankani ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay balse Ciidammada Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa durbaba soo gaaray goobta ayaga oo xiray dhamaanba wadooyinka aagaasi howlgallana bilaabay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo la xiriira dilka loo geystay Xildhibaankani ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com