Somalia:Wasiirro Ka Tirsan Dawladda Oo U Ambbabaxay Dalka Denmark -(Sawirro)
Laaska News Sept. 27,2011

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha iyo Amniga qaranka ayaa maanta u ambbabaxay magaalada copenhegan ee dalka Denmark si ay uga qeyb galaan shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG.
Barqanimadii maanta ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha caalamiga ah ee Aaden Cabdulle Cusmana Aaden Cadde ka duushay diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga qaranka C/samada Macallin Maxamuud kuwasaai oo kusii jeeda magaalada kobenheegan ee dalka Denmark si ay uga qeyb galaan shirka ay soo qaban qaabisay kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG waxaana kullankaasi loogu talla galay inuu qabsoomo muddo labo maalmood iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee Soomaaliya sida uu warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u xaqiijiyay wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga qaranka C/samad macallin Maxamuud ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaraddah Aaden cadde.
Shirkaasi oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa isugu imaan doona masuuliyiin ka socota dowladdaha xubnaha ka ha kooxda xiriirka caalmaigaa ah ee ICG ,Ha’addo caalmi ah iyo xubno kale waxaana waxyabaaha ugu muhiimsan ee lagu lafa gurayo kamid ah horumarada ay ciidaamada qalabka sida ee Soomaaliya ka gaareen xagga amniga dalka gaar ahaan magaalda Muqdisho, arrimaha abaaraha ee ka taagan Soomaaliya iyo qodobbo kale oo muhiim ah.
Waxaana wafdigaasi garoonka diyaaraddaha kasii sagootiyay xubno ka tirsan gollaha wasiiradda uu kamid ahaa R/W ku xigeenka ahna wasiirka ganacsga iyo warshaddaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka S.Guud C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Wasiiraddaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ee maanta u ambbbaxay magaalada copenhegan ee dalka Denmark ayaa waxaa halkaasi uga sii horeeya wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare Cabdi Weli Maxamed Cali oo gelinkii dambe ee shalay gaaray dalka Denmark.





Photo By MCD.
RM
Somalia:R/wasaare Cabdi Welli Oo Ka Hadlay Waxyaabihii Kasoo Baxay Shirka Q.M
Somalia:War Murtiyeed ka soo baxay ICG oo lagu codsaday in la taageero AMISOM
Somalia: The Kampala Accord
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com