Somalia:Dhaawacyadii Halista ahaa ee Xarunta Wasaaradaha oo loo qaaday Turkiga
Laaska News Oct. 6,2011

Muqdisho – Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa kusoo waramayaa in dadkii dhaawacyada halista ah ay kasoo gaareen qaraxii ka dhacay dhismihii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha (oo hadda ahayd xarunta wasaaradaha qaarkood) ee magaalada muqdisho loo qaaday waddanka Turkiga.
Dhaawacan ayaa lagu soo waramayaa in ay tiradoodu ahaayeen 36 qof,xaaladahooda caafimaadna ay aad u cuslaayeen,mid kamid ahna uu ku geeriyooday garoonka Muqdisho, in taan diyaaradda lasaarin sida ay sheegeen masuuliyiinta u xilsaarnaa gurmdaka caafimaadka.
Waddanka Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqday inay dadkaas daweeyaan,Diyaaradna usoo diray maanta, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Turkiga Ordigan ay arrinta kawada hadleen.
Dadkan dhaawaca ah ayaa sida suuradahooda ka muuqatay waxay qabeen dhaawacyo gubasho ah oo culus,waxaana la filayaa inay xaaladahoodu ay qaadato muddo 3 ilaa 6 Bilood ah haddii Alle idmo.
Dhaawacyada intoodii kale ayaa la sheegay in lagu daweynayo Isbitaalo magaalada Muqdisho ah.
Wararka la Xiriira:
Somalia:Qarax lagu Rogmaday oo ka dhacay Muqdisho & Warar kaladuwan + SAWIRRO
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com