Home
> ALL DARWIISH NEWS, Somaliland, WARARKA > Ceerigaabo:Axmed Siilaanyo oo Socdaal ku tagey Sanaag
Ceerigaabo:Axmed Siilaanyo oo Socdaal ku tagey Sanaag
Tuesday, October 11, 2011
Laaska News Oct. 11,2011
Ceerigaabo – Warka laga helayo magaalada Ceerigaabo ayaa ku soo waramaya in wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo kasoo kicitimay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer uu xalay soo gaaray magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Mr.Siilaanyo iyo wafdigiisa oo beryahan socdaalo ku marayay gobolada qaarkood ayaa socodkani noqonayaa kii ugu dheeraa socdaalkiisa ee xalay uu ku tagey Ceerigaabo.
Waxaana la filayaa inuu dadka la hadlo aroorta,lamana oga jihada ay uga dhaqaaqi doono isaga iyo wafdigiisu.
Axmes Cali
Ceerigaabo
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com