Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Warka TFG da

Somalia:Warka TFG da

Friday, October 14, 2011

Laaska News Oct. 14,2011

R/wasaare C/weli Oo Si Kulul U Cambaareeyay Falkii Lagu Dhaawacay Xildhibaan Caananuug
Wasiirka Gaashaandhigga Oo Dalka Dib Ugu Soo laabtay
Xukuumadda Oo Cambaareysay Afduubkii Loo Geystay Shaqaalaha Gargaarka
Markabkii Ugu Horeeyey Oo Lubnaan Xoolo Uga Qaada Dalka Oo Dekedda Boosaaso Ka Ambabaxay
Wafdi Ka Socda Xukuumadda Oo Gaalkacyo Gaaray
Somalia:R/wasaare C/weli Oo Si Kulul U Cambaareeyay Falkii Lagu Dhaawacay Xildhibaan Caananuug
 October 14, 2011 by Mowliid  
 
R/wasaaraha Soomaaliya oo wareeysi gaar ah siiyay  warbaahinta qaranka ayaa si kulul u cambaareeyay falkii lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Cali Cumar “Caananuug” oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka.

Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay falkaasi in uu yahay mid lagu dabar jarayo dadka mas’uuliyiinta ah ee waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kooxa arxan laawayaasha ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

R/wasaaraha ayaa u rajeeyay xildhibaanka dhaawacmay in Allaah uu bogsiiyo, waxaana xildhibaankaasi maanta lagu dhaawacay agagaarka isgoyska Banaadir  kaas oo hadda lagu daweeynayo mid ka mid ah cisbitaaalada Muqdisho
.
Wasiirka Gaashaandhigga Oo Dalka Dib Ugu Soo laabtay


 October 14, 2011 by Mowliid
 
Barqonimadii maanta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cadde ka soo degay ku xigeenka R/wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise kadib markii uu socdaal shaqo ku soo maray wadamo ay ka mid ahaayeen Mareykanka iyo Denmark.

R/wasaare ku xigeenka ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde ku soo dhaweeyay wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Mudane Maxamuud Macallim Nuur iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca  Xuseen Carab Ciise oo wareysi qaas ah siiyay Radio Muqdisho ayaa  faahfaahin ka bixiyay waxyabihi uga soo qabsoomay safarkiisa isagoo tilmamaay in intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka uu kulamo kala duwan la qaatay saraakiishii hore ee ciidanka XDS, dhaqaatiir  iyo qeybaha kala duwan ee jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool gobollada mareykanka kuwas oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo dib u dhiska dalkooda hooyo.

Xuseen Carab Ciise wasiirka gaashaandhigga ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu ay la dagaalameyso cid kasta oo wax u dhimeysa nabadda iyo Shacbiga isagoo uga mahad celiyay qeybaha bulshada sida ay mar waliba u garab taaganyihiin ciidamaada qalabka sida ee u taagan difaaca dalka, diinta iyo dadka.

Wasiirka difaaca ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyadoo dhinaca kale sheegtay in aysan howlgalada marnaba hakin doonin inta ay dalka taako ka mid ah ku suganyihiin maleeshiyaadka Khawaarijta shabaab iyo dambiileyaasha ajaaniibtaa ah ee sida dhuumaaleysiga ah ku soo galay gudaha dalka.

 

 

Xukuumadda Oo Cambaareysay Afduubkii Loo Geystay Shaqaalaha Gargaarka

 

 October 14, 2011 by Mowliid  
R/wasaaraha Soomaaliya ayaa cambaareeyay falkii ay kooxo hubeysan ku afduubteen  Shaqaale ka shaqeeya dhinaca gargaarka oo isugu jira dhaqaatiir u dhashay dalka Spain iyo Muwaadiniin kenyati ah.

 

R/Wasaare C/Weli Maxamed Cali ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay kooxo hubeysan ku afduubteen 2 Dhaqtar oo u dhashay dalka Spain iyo Labo Shaqaale oo Kenyati ah iyo sidoo kale dhaawicii ay kooxda afduubayaasha ah u geysteen Darawalkii kenyatiga ahaa ee kaxeynayay gaariga ay saarnaayeen shaqaalaha la afduubay  islamarkaana ku sugnaa kaamka qaxootiga dhadhaab ee ku yaalla dalka Kenya.

 

“Waxaan si aad ah uga xunahay fal dambiyeedkan naxariis darrada ah ,waxaana la qeybsanayaa murugada qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dhibbaneyaasha” ayuu yiri R/wasaare Dr C/Weli Maxamed Cali isagoo intaasi ku daray in illaa iyo xilligan uusan ogeyn cidda ka dambeysay Afduubkan.

 

R/Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu si kulul ugu celceliyay in ay qasab tahay in dambiileyaasha lasoo qabto oo lala xisaabtamo waxa uuna hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay diyar u tahay in ay ku taageerto Masuuliyiinta dowladda Kenya sidii loo soo qaban lahaa loona maxkamadeyn lahaa dambiileyaasha afduubkaasi geystay.

 

R/wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in aan marnaba loo dulqaadan Karin hanjabaadaha ay wadaan kooxda argagixasada ah ee alshababa iyo afduubka ay u geysanayaan Shaqaalaha gargaarka ee ku sugan kaamka qaxootiga.

 

 

.

Markabkii Ugu Horeeyey Oo Lubnaan Xoolo Uga Qaada Dalka Oo Dekedda Boosaaso Ka Ambabaxay

 

October 14, 2011 by Jayte  
Markab nooca xamuulka qaada ayaa gelinkii dambe ee maanta xoolo ka qaaday dekadda Bosaaso kuwaas oo la geyn doono dalka Lubnaan markii u horeysay.

Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud oo Saxaafada kula hadlay dekadda Bosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu ka yimid dalka Lubnaan isla markaana ay noqonayso markii u horeysay oo Xoolo laga qaaday dekadda Bosaaso loo dhoofiyo dalka Lubnaan.

Talaabadan ayaa timid siduu sheegay kadib dadaal fara badan la sameeyey ku guuleysteen in Dowladda Lubnaan ay ogolaato in dalkeeda la keeno Xoolaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Maxjarka ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada in ay ka faa’ideystaan fursadaan isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan dalal ay kamid tahay Jordan oo xudduud la leh Lubnaan ay iyana bilawdo in ay xoolo ka qaadato Soomaaliya.

”Waxaan aad ugu faraxsanahay arintaan oo ah mid taariikhi ah,waxaana ugu baaqaya dhamaan ganacsatada in ay ka faa’ideystaan fursadaan.waxaan rajeynaynaa dalka Jordan ee xuduud la leh Lubnaan in ay iyana howshaan bilawdo”,ayuu yiri.

Shirkada Somali Livestock ayaa fududeysay howshaan lagu dhoofinaayo xoolaha ee la geynaayo dalka Lubnaan siduu sheegay Gudoomiyaha Shirkada Cumar Ismaacil Waaberi oo la hadlay Saxaafada.

Waxaa uu xusay in safaro badan ay ku tageen dalka Lubnaan oo ay kala hadleen masuuliyin kala duwan arinta ku saabsan dhoofitaanka xoolaha,markii dambana lagu guuleystay in ay aqbalaan codsiga ay u gudbiyeen.

Duqa magaalada Bosaaso Xassan Cabdalla oo isna ka hadlay madasha ayaa soo dhoweeyey talaabadaan kuna tilmaamay mid muhiim ah,waxaana uu ka codsaday ganacsatada in ay dardar geliyaan howlahooda oo ay sii wadaan horumarka.

Kabtanka Markabka oo goobta hadalo ka jeediyey kuna hadlay luuqada Carabiga ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin imaatinka Soomaaliya gaar ahaan dekadda Bosaaso,wuxuuna xusay in bishii labo jeer ay xoolo ka
qaadi doonaan dekadda.

Dhaqaatiir u dhashey dalka Masar ayaa ka qayb qaatay baaritaanka caafimaad ee lagu sameynayay xoolaha maanta la dhoofiyey,waxaana ay tilmaameen in Xoolaha Soomaaliyeed ay yihin kuwa intooda badan caafimaad qaba oo Cuduro ay filayeen in laga helo ka waayeen.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maxjarka ayaa shaaciyey in Dalka Masar dhowaan loo dhoofin doono xoolo isla markaana markab qaadi doona xoolahaas maalmaha soo socda kusoo xiran doono dekadda Bosaaso.

Xoolaha uu markabka qaaday ayaa isugu jira ari iyo l’o laga keenay gobolada dalka,waxaana ay tiro ahaan gaarayaan 4,500 neef.

Shirkada dhoofsanaysa ayaa lagu magacaaba Al-Jaabur oo xarunteedu tahay magaalada Beirut uuna iska leeyahay maalqabeen u dhashey dalka Lubnaan.

Tani waxay noqonaysa talaabo horumar leh oo ay higsadeen maamulka maxjarka maadama xoolaha oo keliya loo dhoofiyo wadamada Khaliijka,waxayna kusoo beegmaysa xilli ay soo dhowdahay waqtiga xajka.
.

Wafdi Ka Socda Xukuumadda Oo Gaalkacyo Gaaray

 October 13, 2011 by Mowliid  
Wafdi uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/xakiin Cige oo Muqdisho ka ambabaxay ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” oo ka mid ah xubnaha wafdigaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo in ujeedada booqashada wafdigaasi ay tahay sii xoojinta xiriirka ay dowladdu la leedahay maamulka Puntland.

Sidoo kale “Yariisoow”waxa uu intaa ku daray in ay maamulkaasi kala tashan doonaan arimaha amniga si loo sameeyo qorshe mideeysan oo dhinaca amniga ah, isagoo xusay in ay booqan doonaan maamulka Galmudug iyo culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca.

Eng Yariisoow ayaa hoosta ka xariiqay in safarkoodu uu qaadan doono muddo Sadex maalmood ah sidaasi darteedna uu rajeeynayo in uu guul ugu soo dhamaado.

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads