Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Ra’iisul Wasaaraha Oo Shirar Muhiim Ah La Yeeshay Wufuud Ka Socotay UN ka – War-saxaafadeed

Somalia:Ra’iisul Wasaaraha Oo Shirar Muhiim Ah La Yeeshay Wufuud Ka Socotay UN ka – War-saxaafadeed

Wednesday, November 16, 2011

Laaska News  Nov. 16,2011            Warka TFG da
Mogadishu Stabilization Plan
Ra’iisulwasaare Gaas” Qorshe Cad Ayaan U Dejinnay Dib U Dejinta Barakacayaasha”
R/wasaare C/weli Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Q/Midoobay

 Ra’iisul Wasaaraha Oo Shirar Muhiim Ah La Yeeshay Wufuud Ka Socotay Q/midoobay(War-saxaafadeed)

Muqdisho, November 16,2011——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay xafiiskiisa Muqdisho wufuud ka socotay Q/midoobay oo ay kala hogaaminayeen ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Christian Manhall iyo xiriiriyaha Q/midoobay ee gargaarka Mark Bowden waxaaana kulamadani looga kala hadlay arrimaha Roudmap-ka iyo wixii ka qabsoomay iyo weliba caqabadaha jira, iyo sidoo kale kulan ku saabsanaa arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha.

Ugu horeyntii kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo kuxigeenka wakiilka xoghayaha guud ayaa looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa Roudmap-ka iyadoo diirada la saaray caqabaddaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa si qotadheer ay uga wadahadleen sidii hay’addaha Q/midoobay ee haatan ku shaqeeya dalalka deriska ay u soo degi lahaayeen caasimadda iyo gobolada kale ee dalka si loo ballaariyo waxqabadka iyo la socodka hay’addaha Q/midoobay gaar ahaana kuwa gargaarka iyo siyaasada.

Kulanka labaad oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaruhu waxaa goob joog ka ahaa Christian Manhal iyo xubnaha wefdigiisa waxaana looga hadlay arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha ku soo barakacay bilihii ugu dambeeyey gudaha magaalada Muqdisho iyo sida ugu macquulsan ee dadkan dib u dejin loogu sameyn karo, iyadoo Mark Bowden oo ah Xiriiyaha arrimaha gargaarka ee Q/midoobayna uu warbixin horudhac aheyd ka jeediyay shirka.

 
Intii uu socday shirka ayaa waxaa la daawaday sharaxaad muuqaal aheyd oo ay sameeyeen wakiilo ka socday hay’adda UN-OCHA iyo macluumaad kale taasoo ku saabsaneyd qiimeyn ay ku sameeyeen barakacayaasha ku soo barakacay caasimadda.

Sidoo kale,  shirka oo ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorsheynta, howlaha Guud iyo caafimaadka ayay ku soo bandhigeen qorsheyaal ay u sameeyeen barakacayaasha waxayna soo bandhigeen talooyin ku aadan sidii dib u dejin loogu heli lahaa barakacayaasha dibna loogu celin lahaa goboladii ay ka soo barakaceen. “Runtii waxaa la joogaa roobkii deyrta waadna ogtihiin waa xilligii ay dadku beerahooda dib u beeran lahaayeen, waxaana isla soo qaadnay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka oo ay goboladii iyo degaanadoodii dib ugu noqon lahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo xusay in barakacayaasha loo kala qeybin doono kuwii 2011 soo barakacay iyo kuwii mudada deganaa goobihii dowladda ugu dambeyntiina dib loogu
celin doono si farsameysan oo laga baaraan degay.

-DHAMAAD -

.

Ra’iisulwasaare Gaas” Qorshe Cad Ayaan U Dejinnay Dib U Dejinta Barakacayaasha”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr.  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay Amniga caasimadda (Mogadishu Stabilization Plan), Bilicda magaalada iyo sidii goobihii dowladda dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda, waxaana kulankan ka soo qeybgalay guddoomiyeyaasha 16-ka degmo, saraakiil ka socotay hay’addaha Amniga sida Booliska iyo Nabadsugida Qaranka.

Shirkan oo noqon doona joogto ayaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa Amniga magaalada isla markaana loo soo celin lahaa Bilicda caasimada iyadoo la isla meel dhigay in dadka barakacayaasha ah loo raro goobo ka baxsan magaalada oo leh adeegyada aas aasiga ah sida Biyo iyo hoy ay qoraxda iyo roobka ka galaan.

Ra’iisul wasaaraha oo faah faahiyay muhiimada kulankan ayaa sheegay in muhiimada koowaad ee kulankan uu yahay sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshaha xasilinta magaalada Muqdisho, kadibna loo howlgalo sidii loo soo celin lahaa Bilicda magaalada oo ah caasimaddii dalka, isagoo tibaaxay in qorshaha saddexaadna uu yahay sidii loo xoojin lahaa hay’addaha dowladda si taasi u timaadona loo baahan yahay in gacanta dowladda ay soo galaan dhamaan dhismeyaasha iyo dhulalka dowladda, dadka degana dib u dejin loo sameeyo.

“Si loo soo celiyo haykalkii dowladnimo waa in gacanta dowladda ay soo galaan wixii hanti dowladeed ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta Qaranka la hadlay isagoo sidoo kalena guddoomiyeyaashii iyo saraakiishii ka soo qeybgashay shirka kula dardaarmay inay dedaal dheeraad ah u galaan qorshaha xasilinta caasimadda (Mogadishu Stabilization Plan).

“Dadkiina waa ku dhibaateysan yihiin, magaaladiina wey ku dhibaateysan tahay qaxootiga tirada badan ee magaalada dhex degay, waxaana cadeyneynaa in dowladdu u dejisay qorshe cad oo dib u dejin loogu sameynayo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

RM.

.

R/wasaare C/weli Oo Xaiiskiisa ku  Qaabilay Wafdi Ka Socday Q/Midoobay.

.

R/wasaaraha dalka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday qaramada Midoobay kaas oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed iyo bani’aadanimo ee dalka.

Wafdigan ka socday qaramada midoobay ee uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay R/wsaare C/weli “Gaas” ayaa waxaa kala hoggaaminayay ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Christian Manhal iyo Mak Bowden isku duwaha arrimaha gargaarka bani’aadanimada qaramada midoobay ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen xafiiska waxaa kulan dheer la qaatay R/wasaaraha iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen kulankaasi xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo maamulka gobolka banaaadir.

R/wasaaraha oo markii uu soo dhamaaday kulanka kadib la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan oo uu kala hadlay wafdigaasi ay ahaayeen sidii hay’adaha qaramada midoobay xafiisyadooda ugu soo rari lahaayeen gudaha magaalada Muqdisho, dardar gelinta howlaha Road Mapka iyo sidii barakacayaasha dib loogu celin lahaa goboladii ay markii hore kasoo barakaceen. R/wasaaraha ayaa dhanka kale hoosta ka xariiqay in laga yaabo in uu waqtigii horay loogu qabtay uu ku qabsoomi waayo shirkii wadatashiga ahaa ee lagu balansaana in bishan 19 keeda lagu qabto magaalada Garowe.

Sidoo kale Chrisan Manhal ku xuigeenka ergayga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo isna la hadlay warbaahinta qaranka yaa tilmaamay in uu kulan wanaagsan la yeeshay R/wasaaraha islamrkaana uu kala hadlay arrimo ay ka mid tahay sidii loo hirgelin lahaa Road Mapka iyo sida  beesha caalamka gacan ugu siin laheyd dowladda hirgelintiisa.

Wafdigan ka socday Q/midoobay ayaa imaanshahooda wuxuu ku soo beegmayaa waqti ay maalmo kooban ka harsantahay xilligii loo qabtay in uu magaalada Garoowe ka dhaco shirkii wada tashiga kaas oo qeybtiisa hore lagu qabtay Muqdisho horaantii bishii September.

RM.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads