Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Somalia:Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Tuesday, November 22, 2011

Laaska news  Nov.22,2011

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Jaahweyn ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Nick Birnback oo ah madaxa warfaafinta ee UNPOS, isla markaana ay wehlisay Susannah Price oo ka shaqeysa isla xafiiskaas waxay doonayeen inay wax ka ogaadaan howlaha kala duwan ee wasaaradda iyo gacanta ay Qaramada Midoobay ka geysan karto horumarinta warbaahinta dowladda.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda ayaa u sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay waddo dadaallo kala duwan oo isugu jira dhinacyada warfaafinta iyo isgaarsiinta. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in horumarka ay gaartay warbaahinta dowladda ay caddeyn u tahay sida xukuumaddu ahmiyad gaar ah u siineyso in dadka la wacyi-geliyo.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka siiyay wafdiga baahiyaha gaarka ah ee ay qabto Wasaaradda oo isugu jira qalab, tababar iyo dajinta shuruucda isgaarsiineed ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudae C/risaaq Bahlaawi ayaa wafdiga ku soo wareejiyay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, gaar ahaan kuwa khuseeya warfaafinta sida Raadiyaha, Taleefishinka Qaranka, SONNA, Keydka Hadalka ee Raadiyo Muqdisho, iyo Machadka Tababarka.

Wafdiga oo indhahooda ku soo arkay howlaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa sheegay inay ka howlgeli doonaan sidii loo kaalmeyn lahaa Wasaaradda.

RM.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads