Home > SOCIETY, WARARKA > Kenya:Qarax ka dhacay Deegaanka Mandheera

Kenya:Qarax ka dhacay Deegaanka Mandheera

Thursday, November 24, 2011

Laaska news  Nov.24,2011
Wararka ay warbaahintu ka helayso magaalada Mandera ayaa kusoo waramaya in waddo udhaw Mandera uu qarax ka dhacay ayna waxyeelo kasoo gaartay dhimasho hal askari,halka toboneeyo kalana uu dhaawac ka soo gaaray,kadib markii sida la sheegay uu gaari ay saarnaayeen ciidanka kenya uu dul maray waxyaalaha qarxa.

.
Waxaana la sheegay in dhaawaca la gaarsiiyay magaalada Gaarisa,qaarkoodna  ay yihiin kuwo aad uculus laguna wado in loo gudbiyo Nairobi.

.
Ciidanka Amaanka ee Kenya ayaa la sheegay inay dad badan oo gaaraya ilaa 200 ay ka qab qabteen magaalada mandera.

.

Dadka laqabtay ayaa qaarkood la soo daayay kadib markii ay kulan wada galeen waxgaradka magaalada iyo mas’uuliyiinta magaalada, halka qaar kalana ay wali xiran yihiin,ciidanka amaankuna ay warbaahinta usheegeen in la baarayo.

.
Dadka lasoodaayay qaarkood oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dadka laqab qabtay ay ku jiraan Ganacsato,Odayaal, caruur iyo dumar.

.

Ciidankan ayaa la sheegay inay dadka guryaha ugu galeen markii ay dadkaa qab qabanayeen.

.

Ilaa haddana majiraan cid sheegatay falkaas.

.

Source: (BBC,VOA)
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads