GUULEYSTAYAALAW HEE DHAHA
Laaska news Dec. 18, 2011
Halkan waxaan idinkugu soo gudbinayaa hees wadani ah,erayada kujira heestan oo ah kuwo xikmad weyn leh una baahan in laga bixiyo tafsiir ama sharaxaad dheeraad ah si umadda Soomaaliyeed ay ufahmaan,sidoo kale su’aalo aan ka weydiiyay dad kala duwan iyo aragtida iyo jawaabaha kasoo baxay.
.
Haddaba waxaa dhacday in aan dad kala duwan weydiiyay heestan sida ay u arkaan macnaha erayada iyo waxa heestan laga fasiran karo,dadkaas oo dhalinyaro iyo dad waaweynba leh ,oo ay ku jiraan dad waddanka gudihiisa iyo dibadiisa ku kala nool.
.
Halkan ka DHAGEYSO oo dhuux Erayada iyo macnaha.
.
Waxaase qiiro leh arday dhiganaya jaamacad oo ka mid ah dadka aan wax ka weydiiyay macnaha ay ku fadhido heestan ayaa waxa usiiyay jawaab waafi ah oo dareen iyo qiiro ku reebi karta qof kasta oo garanaya ama arkay gumaysi ama dawlad (xorriyad) waxa ay kala yihiin,wuxuuna yiri “su’aashaa waxaa ka jawaabi kara qofkii arkay Soomaalinimo ama dawlad Soomaaliyeed” .
.
Arday kale oo heer jaamacadeed ah ayaa waxa uu ii sheegay” inuu ku dhashay muqdisho,uuna wax ku bartay hase yeeshee uusan waligii arag degmooyin kamid ah Muqdisho” iyo waliba dawladnimo.
.
Waxaase ardaygaa kasii daran arday kale oo heer Jaamacadeed ah oo yiri “waxaan ku dhashay Hargeysa oo ii sheegay in markii uhoraysay uu calanka Soomaaliyeed uu ku arkay dibadda,sidoo kalana uusan maqal wax wanaag ka sheegaya Soomaaliya iyo dawladaheedii”.
.
Waxa uu intaa ku daray”Xorriyaddana waxaannu unaqaan dee markii waddanka lasoo galay ee laxorreeyay laguna dhawaaqay Soomaaliland ta 1991″.
.
Aqoonyahan Soomaaliyeed oo aan aqoon iyo waayo aragnimo aan ku door biday ayaan wax ka weydiiyay erayada kujira heestan wadaniga ah & mar xalladda ay taagan tahay umadda Soomaaliyeed, wuxuu ii sheegay waqtiga ay heestaasi soo baxday waxay ahayd waqti lakala saari karo ama lakala garanayo umadda Soomaaliyeed ka wada wanaagga iyo ka wada xumaanta,waddaniga iyo daba dhilifka ah ee waqtigan Soomaali waxa ku dhacay dhaqan guddoon,waxaana xaaladda kabaxay dhawr jiil oo Soomaali ah,waana arrin murugo leh,waxaadna arki doontaa Soomaali loo kala turjamayo.
.
Ugu dambayntii :
.
Waxaa iisoo baxday in badan oo Soomaali ah ay waxyaalo badan isaga qasmeen oo aanay kala jeclayn ama kala saari karin wadan,wadani gii iyo gumayste, gumaystuhu nimuu wato,dawlad iyo dawlad la’aan.
.
Waxaan kaloo dareemay in manhajka waxbarasho ee ay ardadadu dhigtaan aanay ku jirin wax ardayda ku beeraya ama ku ababinaya ama uu ku jeclaado waddankiisa ama soomaalinimo,dawlad ama waddaniyad,sidoo kalana laga ilaaliyay oo aysan wax macluumaad ah aysan kahaysan taariikhda,marxaladihii iyo halganadii loo soo maray xorriyadda Umadda Soomaaliyeed iyo dawladihii Soomaaliyeed ee ay Soomaali yeelatay.
.
.
By:Cabdi Dheere
.
Cilmi Baare Madax banaan
.
FG:
.
Haddii aad akhristaw aad haysid aragtiyo kale iyo saamaynta ay heestan ama qoraalkani kugu reebay ,ka dhiibo fikirkaaga adoo ka duulaya Soomaalinimo iyo marxaladda ay kusugan tahay umadda Soomaaliyeed.
.
.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com