Home > SOCIETY, WARARKA > Qarax xalay ka dhacay Garisa Oo Gaystey Dhimasho iyo Dhaawac

Qarax xalay ka dhacay Garisa Oo Gaystey Dhimasho iyo Dhaawac

Sunday, January 1, 2012

Waxaa la sheegay Qarax xalay ka dhacay Meel Baar ah oo ay dadku ku caweeyaan oo ku taal magaalada Garisa ee waddanka Kenya in ay ku dhinteen 5qof ,20 kalana ay ku dhaawacmeen  sida Boolisku sheegay Axadda maanta.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Bumbada ah ee gacanta laga tuuro sida ay qortay jariidada Nation ee waddankaas oo soo xiganaysa AFP.

Waxaa kale oo la sheegay in ay jirtay rasaas ka dhacaysay baarka dibaddiisa qarax kadib.

 

.

Laaska News.

About these ads