Kacdoonka Baarlamaanka:Gacan Kahadal Kadhacay,& Xil Ka Qaadis Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad

Muqdisho – Waxaana lagusoo waramayaa in xildhibaanadii isku khilaafsanaa xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka ay saaka mar kale isku dhaceen oo uu dhex maray gacan kahadal,qaar ka mid ah xildhibaanadana ay dhaawacyo soo gaareen.
.
Dhacdadan ka dib waxaa la sheegay inay xaruunta golaha shacabka ay kusoo hadheen xildhibaandii ka soo horjeeday Gudoomiyaha Baarlamaanka, halkaana ay maamulkii xarunta kula wareegeen,dibna ay isku habeeyeen.
.
Markaa kadib waxaa la sheegay in Gudoomiye kuxigeenkii 2aad ee Baarlamaanka Mr. Casoowe uu soo galay xarunta.
.
Waxaa kale oo la sheegay in la soo dhigay mooshin lagaga soo horjeedo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudeey,loona qaaday codka kalsoonida ,halkaana ay 287 xildhibaan ay ka soo horjeestaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad,halka 5 ay diideen,4 na ay ka aamuseen.
.
Waxaa intaa dheer in la sheegay in aan loo kala kacayn oo isla maanta la dooranaya Gudoomiyaha Baarlamaanka.
.
Maxamed Codey
.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com