Ciidamo Itoobiyaan ah Oo La Sheegay inay Dul Dageen Luuq
Monday, January 30, 2012
Laaska News Jan 30, 2012
Ciidamo Itoobiyaan ah oo kolonyo ah ayaa la sheegay inay shalay xadka kasoo gudbeen,watana tigniko iyo madaafiic culus ayna soo gaareen magaalada Luuq, sida ay ku warameen warbaahin kala duwan oo soo xiganaya dadka deegaanka iyo saraakiil kale,ciidamadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo farabadan,isla markaana ay dageen duleedka magaalada Luuq..
BBC da ayaa sheegtay inay kasoo xigatay mudane ka tirsan baarlamaanka & saraakiil katirsan ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan gobolkaa in ciidamadaasi ay ku socdaan Gob Bay iyo Bakool oo ay hadda gacanta ku hayaan xarakada ashabaab.
.
Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com