Shirka Garowe2 Oo Furmaya 15/2/2012
Garowe – Wararka laga helayo Garowe ayaa kusoo waramaya in shirkii Garoowe qaybtiisa labaad uu ka furmayo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ergooyinkii ka qayb gali lahaa shirka Garowe2 ay qaarkood soo gaareen 14/2/2012 magaalada Garowe.
.
Shirkan ayaa la sheegay inay ka qayb galayaan qaybihii TFG da iyo maamul Goboleedyadii horay uga qayb galay shirarkii hore.
.
Waxaana lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Wasiiro iyo xildhibaano ay saacadaha soo socda soo gaaraan Garowe.
.
Shirka Garowe2 ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin:
Dastuurka,Federaalka,habka Federaalka,nooca dawladda ay Soomaaliya yeelanayso iyo waxyaalo la xiriira Shirkii Garowe ee kan ka horreeyay.
.
Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in shirkii Garoowe qaybtiisa labaad uu furmayo 15/2/2012,sida lagu sheegay warbaahinta dawladda.
.
Related:
14/2/2012
Ra’isal Wasaare Cabdiwali Oo Ka Dagey Garoowe.
.
Warar Kale:
Shirka Wadatashiga Q.2aad wuxuu ka dhacay Garoowe (= Shirka Garowe).
Natiijada Shirkii Wadatashiga Garowe hoos ka akhri:
miraha shirkii Garowe ee 21-23 2011 (Eng)
Dec. 24, 2011
Somalia:Shirka Wadatashiga Oo Soo Dhamaaday,Lagana Heshiiyay Ismari Waagii Qaybsiga Baarlamaanka
Shirka Wadatashiga Oo Laysku Mari Waayay Qaybsiga Baarlamaanka
Shirka Wadatashiga Garowe Oo Galay Maalintii labaad Iyo Wararka Ka Soobaxaya
Shirka Wadatashiga oo Ka Furmay Garowe - Dec. 21, 2011
Shirka Wadatshiga Q. 1aad wuxuu ka dhacay Muqdisho: 4/9/2011
.
Shirka Wadatashiga (=Shirkii Muqdisho + Shirkii Garowe)