Madaxweyne Shariif Oo Ka Dagay Jabuuti,Kana qayb Gali Doona Shirka London
February 20, 2012
Laaska News Feb. 20, 2012
Jabuuti -Madaxwynaha Jamkuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagusoo waramayaa inay maanta kadageen magaalada Jabuuti.
.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda waddankaasi iyo mas’uuliyiin kasocda Soomaalida.
.
Warku wuxuu intaa ku darayaa inuu madaxweynuhu kulamo la qaadanayo Madaxda Waddanka Jabuuti kahor inta aysan u socdaalin (Madaxweynaha & wafdigiisu) London ee waddanka Britain oo lagu wado inuu ka dhaco 23/2/2012 “shirka London” ee loo qabanayo Soomaalida ee uu ku baaqay R/Wasaaraha Ingiriisku Mr.Cameron.
.
Fanax Diiriye
.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com