Home > Somali Community in Belgium, TFG Somalia, WARARKA > Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiwali Oo Kormeeray Xaruuntii Safaaradda,Hoygii Danjiraha Soomaaliya ee Biljam,Lana Hadlay Jaaliyadda – SAWIRRO

Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiwali Oo Kormeeray Xaruuntii Safaaradda,Hoygii Danjiraha Soomaaliya ee Biljam,Lana Hadlay Jaaliyadda – SAWIRRO

February 21, 2012

Laaska News Feb. 21, 2012            Warka TFG da

R/wasaaraha Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wadi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Xarunta Dalka Biljam ee Brussels, ka dib uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda Midowga yurub iyo dowladda Biljamka.

R/wasaare Cabdiweli ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Brussels oo uu ka muuqday burbur, iyo dhibaatooyin kale, iyada oo qeybo ka mid ah safaaradda ay dad ajaanib ah degan yihiin maadaama aysan horay u jirin safaarada Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay taasina waxa ay keentay in si sharci daro ah loo isticmaalo xarunta safaaradda, inkastoo iminka ay howlwadeenada safaaradda ay xaruntan ku shaqeynayaan mudo laba bilood ah halkii hore ay u deganaayeen xafiisyo kiro ah.
.

R/wsaaraha ayaa indha indheeyey qeybaha iyo xafiisyada safaarada isaga oo warbixin ka dhageystay Safiirka Soomaaliya ee Midowaga Yurub Ambasadoor Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde), waxa uuna safiirka ka xogwaramay xaalada safaarada, shaqaalaha joogo, halkii loo galay in xarunta rasmiga ah ee safaarada ay dib ugu shaqeyso iyo caqabadaha hortaagan in guud ahaan la dayactiro lagana saaro dadka ajaanibta ah safaaradda Soomaaliya.
.

Sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, waxa uu booqday guriga safiirka Soomaaliya oo isagana ay dagan yihiin dad u dhashay dalkan Biljam kuwaas oo tan horaantii sagaasha-meeyadii iska deganaa kuna ilmo dhalay, waxaana hoyga safiirka ka muuqday burbur iyo dayactir la’aan, waxaa gudaha guriga ka buuxay gaadiid aad u fara badan kuwaas oo naloo sheegay in ninka gurigan heysto uu ka baayac mushtaro iibinta gaadiidka.
.

Guriga oo ku fadhiyo dhul aad u balaaran ayaa Ambasadoor Nuur Cadde waxa uu sheegay in dacwooyin kala duwan laga furay sidii gurigan gacanta Soomaaliya loogu soo celin lahaa, iminkana ay rajadu fiican tahay.
.
R/wasaaraha oo La kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Biljam
.
Dhinaca kale R/wasaare Cabdi weli Maxamed Cali Gaas waxa uu maanta la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Biljamka kuwaas oo isugu soo aruuray hool weyn, iyaga oo aad u daneynayey in ay la kulmaan R/wasaaraha, una dhageystaan khudbadda uu ugu talo galay.
.

R/wasaare Cabdi weli Maxamed Cali oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka qeybgalayasha kulanka kaga xogwaramay xaalada Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca nabadgalyada iyo horumarka, shirkii Garoowe iyo rajada shirka London ka dhici doono, iyada oo khudbadaasi ka ´dib R/wasaaha la weydiieyy su’aalo dhowr ah oo la xiriiray xaalada Soomaaliya, waxa uuna R/wasaaraha mar waliba muujinayey in doorka qurba joogta ee ku aadan dib dhiska Dalka Soomaaliya ay muhiim tahay, waxa uuna si gaar ah Soomaalida Biljam uga codsaday in ay dayactiraan isla markaana qalabeeyaan xarunta Safaarada Soomaaliya maadaama iminka lagu guuleystay in Safaaradeenu ay ku shaqeyso xarunteedii rasmiga aheyd.
.

Ambasadoor Nuur Cadde oo isna goobta kulanka ka hadlay ayaa reer Biljam ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay qarankooda u shaqeeyaan, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in gudiyo isku dhaf ah oo ka socdo jaaliyadaha biljam in ay safaarada kala shaqeeyaan sidii loo safaarada loo dayactiri lahaa.

.

.

 

.

 

.

 

 

 

 

.

 

.

 

.

 

.

 

.

.

 

.

 

This slideshow requires JavaScript.

 

.

 

 

.

Abdirahman Hudeyfi

Brussels Belgium

Email: xudeyfi4@hotmail.com

RM. ( Codka J.S.)

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com