Home > Faallo, WARARKA > Shirka London Ha Lagu Daro – In Ladhiso Ciidanka XDS iyo Talooyin Ku Socda Ka Qayb Galayaasha

Shirka London Ha Lagu Daro – In Ladhiso Ciidanka XDS iyo Talooyin Ku Socda Ka Qayb Galayaasha

Thursday, February 23, 2012

Laaska News  Feb. 23, 2012

Waxaan ugu baaqaynaa Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb galaysa shirka London inay ku adkaystaan in laga taageero dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliya (Ciidanka XDS) yeelato oo ka kooban Soomaali oo dhan,dib udhis lagu sameeyo dalka iyo arrinta Soomaaliya ay u taalo Soomaaliya.
.

Waxaan Soomaali xusuusinayaa in muddo badan laga soo hor jeeday in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la dhiso,arrintaas oo dhacday lixdamaadkii.
.
Waxaana hadda la wadaa arrin socotay lixdamaadkii oo ahayd in la dhiso Booliis.
.

Haddaba waxaan kula talinaynaa ka qayb galayaasha Soomaaliyeed ee Shirka London iyo Soomaalida kalaba inay arrimahan xusuustaan:
.
In Xalka Soomaaliya ay u taalo Soomaali,laguna taageero.
.
In la ilaaliyo wixii wax u dhimaya haybadda qaranimada & midnimada  Soomaaliyeed.

.
In aan la ogolaan hay’ad waddanka iska soo gasha oo aan la ogayn.
.
In aan la ogolaan mas’uul Soomaaliyeed oo shir Caalami ah ka qayb galaya oo haddana cid kasaocta waddan kale ama hay’ad kale ay la wadaagto codkii Soomaaliyeed.
.
In Dawladda Soomaaliya aysan ogolaan in gobol gobol ama kooxo gaar ah uu caalamku toos u la xiriiro.
.
Haddii caalamku uu cidaan dawladda Soomaaliyeed ahayn uu la xidhiidho ay macnaheedu tahay in aan caalamku aqoonsanayn dawladda Soomaaliya.
.
In laga hor tago in dhaqaale loo soo doonto Soomaaliya,sababtoo ah caalamka waxaa ka taagan dhaqaale xumo.
.
In la taageero Madax dhaqameedyada soo jireenka ahaa.
.
In laga hor tago wax kasta oo wax udhimaya dhaqanka iyo diinta Soomaaliyeed.
.
In Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel ay joogaan baa la ilaaliyo oo la muujiyo dawladnimo.
.
In dhismaha Soomaaliya laga bilaabo tuulooyinka.
.
In la helo cadaalad ay Soomaali usiman tahay.
.
In dib uheshiisiin rasmi ah la sameeyo ay Soomaali oodhan u dhan tahay.
.
In wax kasta oo khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal.

In Siyaasadda Soomaaliya ay noqoto siyaasad dhexdhexaad ah oo ay noqoto dawlad waxna diidi karta,waxna yeeli karta.
.

In Soomaaliland ay garato in aysan cidna aqoonsi uga baahnayn ee ay  hadda aqoonsi,xorriyad iyo  dawladnimaba intaba haysato, oo aysan iska qaadin xorriyadda ,Soomaalina aysan galin gumeysi – sababtoo ah caalamku wuxuu u aqoonsan yahay waddan xor ah (ie qayb kamid ah Soomaaliya).
.

Waxaana qabaa sida hadda uu caalamku wax ku wado,haddii uu Axmed Siilaanyo uu ka fariisto kursiga  Soomaaliya ee QM  (shirka Madaxda caalamka ) in aysan jirin cid hadal ka keenaysa………………….
.

Haddii kale waxaa  Somaliland hortaal “Soomaali ayay utaal” & Shirkani waa la dagaalanka  Argagixisada iyo Budhcad badeeda” ee waxaa laydinka doonayaa Jeelal (Xabsiyo waa weyn),Ciidan & Dekadda Berbera.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

.
.

Waxa adduunka kasocda iyo waxa soomaali lagu jaahwareerinayana waa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay shacabka ukala saaraan,waa hadday fahansan yihiin.

.

.

Ciise Adan.

.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

About these ads