Home > TFG Somalia, WARARKA > Dawladda Soomaaliya Tafsiir Haka Bixiso Qodobada Shirka London

Dawladda Soomaaliya Tafsiir Haka Bixiso Qodobada Shirka London

February 24, 2012

Laaska News Feb. 24, 2012

Waxaa wax wax lala yaabo ah in umadda Soomaaliyeed ay ku jirto jaah wareer ay ku rideen kuwo siyaasiyiinta u ah iyo warbaahinta oo ba kadaran,waxaa kale oo kasii daran in shirka London ee 26 ka qodob kasoo baxeen ee maalinta ku dhamaaday uu noqonayo kii Soomaali indhaha u furi lahaa oo ay ku fahmi lahaayeen waxyaalo badan oo umadda Soomaaliyeed ka qarsoonaa.
.

Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Soomaaliyeed inay tafsiir ka bixiso qodobada shirkan kasoo baxay meesha ay ka yimaadeen.

.

Qodabada Shirka London kuma qeexna midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.
.

Kuma qeexna dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
.

Waxaa lagu xusay in la taageero ciidan Amni.

.

Qodobka 6aad ee ka hadlaya Soomaaliland iyo Dawladda KMF ah ma qeexna,waxaana loo baahan yahay in laga bixiyo tafsiir cad iyo mawqifka ay dawladdu ka qabto .

.

Su’aasha kale waxaa weeye ee laga doonayo madaxda dawladda Soomaaliyeed ee shirka London tagay inay ka jawaabaan:

.

Intee Soomaaliland ah? xuduudaheedu waa halkee? ma dhagaxbuurbaa? ma boosaasaa? ma qardhaa ma garoowaa? ma war- idaad baa? ma markii ingiriisku soo galaybaa?,ma markuu baxaybaa? mise waa inta  ay degto beesha Duca qabe Siilaanyo?.

.

Waxaan Soomaali oo dhan u sheegayaa in aysan isla hayn sida loo fasirayo qodobada kusoobaxay warmurtiyeedka shirka London ee warbaahinta looga sii daynayo iyo qoraalada rasmiga ah iyo macnaha hay xambaarsan yihiin.

.

Waxaa xusid mudan inaysan jirin wax caddaynaya inay Soomaaliland ka mid tahay Soomaaliya.

.

Qodobada Shirka London
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com