Home > TFG Somalia, WARARKA > Shiikh Shariif Oo Sheegay “In Madaxdii Somaliland Ay Hadal Wanaagsan Jeediyeen”,Wada Hadalna Lagalayo

Shiikh Shariif Oo Sheegay “In Madaxdii Somaliland Ay Hadal Wanaagsan Jeediyeen”,Wada Hadalna Lagalayo

Monday, February 27, 2012

Laaska News  Feb. 27, 2012
“Somalidu Ka qayb Galka Shirka London Muhiim Bay ahayd”

.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dalka dib ugu soo laabtay shalay kadib markii uu kasoo qayb galay shir ka dhacay London 23 Feb oo looga hadlayay Soomaaliya,shirkaas oo la magac baxay “Shirka London”.
.
Madaxweynaha oo hadal kooban saxaafadda ujeediyay ayaa sheegay in kaqayb galka ay soomaalidu ka qayb galeen shirka London ay ahayd muhiim.
.
Waxaana hadaladiisa kamid ahaa:

.
“Soomaalidu shirka inay kasoo qayb gasho waxay noo ahayd fursad weyn iyo farxad,maxaa yeelay sida aad ogtihiin soomaalidu waa dad midaysan.
.
Arrinta gooni isu taagga ay Soomaaliland sheegaanna waxay ku dhacday burburka kadib,marka annagu waxaan mar walba quud darreynaynay in Soomaalidu wada hadasho.

Shirka intaan joognay fursadaan isku helaynay, laakiin fadhi dheer oo la qaadan karo majirin,maxaa yeelay hawla farabadan baa meesha tiilay,Laakiin waxaa laga shaqayn doonaa in lawada hadlo.

.
Runtii madaxdii Soomaalilandna hadal wanaagsanna meesha waa ka jeediyeen,waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin inay Soomaalidu wadahadasho,sidii loo heshiin lahaana laga wada shaqeeyo.”
.

 

Waxaa xusid mudan in qodobada Shirka London kasoo baxay ay ka mid ahayd qodob  ka hadlaya wada hadal dhexmara TFG da iyo Somaliland. (Akhri  - Qodobada Eng).

.

Dhinaca kale R/Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali oo isna ka qayb galay shirkaa London ayaa horrey u sheegay inay wadahadal ay la galaan Soomaaliland ay soo dhawaaynayaan (Akhri : Ra’iisul wasaare Cabdi Weli – “waan soo dhaweynayaa in Soomaaliland aan wada hadalno”)

 

Related:

Soomaaliya -Madaxweynaha  Oo Dalka Kusoo Laabtay,Lana Kulmay Soo Dhaweyn iyo Galbis Cusub

.

Puntland Oo Ka Digtay In La Kala Qeybiyo Soomaaliya,Una Digtay Madaxda Soomaalida

.

Soomaaliya – Xukumadda  Oo Soo Dhaweeysay natiijooyinka Shirka London’War-Saxaafadeed’

.

Soomaaliya -Xildhibaanno soo dhaweeyay shirkii London

.

About these ads