Muqdisho – Qasaaraha Qarax Ka Dhacay Garoon Kubadeed Shalay Oo Kordhay
Tuesday, February 28, 2012
Muqdisho – Waxaa lagu soo waramay in uu kordhay qasaaraha dhimasho ee uu keenay Qarax ka dhacay Muqdisho 27/2/2012 ,waxaana la sheegay in halkii markii hore dhimashadu ay ka ahayd 2 ay hadda gaartay 5 qof kadib markii ay 3 qof oo markii hore dhaawacmay ay geeriyoodeen sida ay sheegtay BBC da oo soo xiganaysa dad kusuganaa Isbitaalka magaalada Muqfisho.
.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca miinada ah uuna shalay ka dhacay garoon kubadda lagu cayaaro oo ku yaal Degmada War-dhiigleey, xilli ay halkaasi ay ka dhici lahayd gaba-gabadii cayaar xaafadeed sida lagu sheegay warbaahinta dalka.
.
Maxamaed Cumar (Madka)
.
Laaska News.