Hargeysa – Mr.Siilaanyo Oo Isbadel Ku Sameeyay Xukuumadda SL
Hargeysa - (Laas)-Madaxweynaha Somaliland Mr.A.M.Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 ka Maarso 2012, waxa uu xil kaqaadis,kalabadal iyo magacaabid kusameeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, & Madax Hay’adeed,sidoo kalana wuxuu magacaabay xilalal cusub.
.
Waxaana darka kabaxay dhawr wasiir,waxaana soo galay xubno cusub.
.
Haddaba halkan hoose ka akhri, qoraalkan oo aan filayo ama u eg wareegtada oo aan soo xigtay.
.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka.
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo.
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
.
Magacaabidda Wasaaradda loo magacaabay.
.
1- Cabdicasiis Maxamed Samaale – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada.
2-Axmed Cabdi Xaabsade (Ex.W. War-faafinta) – Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
3- Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) – Wasiirka W/Warfaafinta.
4- Cali Siciid Raygal (Ex. Maareeyaha Madbacada Qaranka) – Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka.
5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) – Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
6- Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) – Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga.
Halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha.
.
7-Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) – Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah.8-Mawliid Maxamuud Ibraahim – Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda.
9- Nuux Sheekh Muuse Ducaale. – Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha.
10- Maxamed Cumar Cabdilaahi – Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha.
11-Mudane Axmed Xuseen Oomane – Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan.
.
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
.
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday.
.
1-Eng. Maxamed Xaashi Cilmi – Wasiirkii W/ Maaliyadda.
2-Prof. Ismaacil Muumin Aar – Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
3-Ilhaan Maxamed Jaamac – Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
4-Dr. Axmed Xaashi Oday, Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
5- Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka.
6-Warsame Siciid Cabdi – Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda.
7-Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda.
8-Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil – Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission).
9-Axmed Cali Xirsi (Sulub)- ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha.”
Xigasho:Lug.
Mar. 14, 2012.
Laaska News