Wasiirka Arrimaha Afrika Ee Britain Oo Socdaal Ku tagey Muqdisho 25 kii Maarso,2012
Laaska News March 29,2012
“Warbixinta ay warbaahinta XukuumaddaTFG du ka qortay March 27″.
Muqdisho. Mar. 27 (RM) – Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Dawladda Ingiriiska Henry Bellingham, ayaa axaddi booqdey Muqdisho, iyada oo hal bil ay ka soo wareegatey shirkii London ee Soomaaliya.
Isaga oo hadlaya booqashadiisa ka dib waxaa uu yiri:
“Waxaa aad ii farxad geliyey in aan awoodey in aan booqdo Muqdisho ka dib markii ay hal bil ka soo wareegatey Shirkii London”.
“Dawladda UK (Ingiriisku) waxaa weli ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed gacan ka siiso dhisidda nabadda iyo degganaanshaha dalkooda. Sidaa daraaddeed aad bey muhiim u tahay in aan aragto in uu horumar sameynayo geeddi-socodka dastuurka, gaar ahaan Golaha Ta’siisiga ah ee Qaranka (the National Constituent Assembly), si markaa ay Ku-meelgaarnimadu u dhammaan karto bisha Agoosto. Waxaan dhammaan Saxiixayaasha Khariidadda Waddada/Roadmap-ka ku dhiirrigelinayaa in ay gacmaha isqabsadaan oo la shaqeeyaan bulshada rayidka ah iyo hoggaamiye-dhaqameedyada si loo hubiyo in Goluhu uu noqdo mid intii suuragal ah matalaya dadka oo dhan”.
Mudane Bellingham ayaa la kulmey Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Dr Augustine Mahiga, Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Gaas Fred Mugisha, Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Nuur, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Cabdinuur Sheekh Ibraahim Rooble iyo wakiillo ka socda ururrada haweenka Soomaaliyeed.
Waa Wasiirkii British (Ingiriis) ah ee ugu horreeyey ee booqda Muqdisho tan iyo Shirkii London.
Kulankii uu la qaatey Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Dr Mahiga, ayaa Mudane Bellingham waxaa uu kala hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo in horumar laga sameeyo geeddi-socodka siyaasadda si loo hubiyo in lagu socdo heshiiska Ku-meelgaarnimada lagu soo gebogebeynayo bisha Agoosto waxaana uu ballanqaadey in dalka UK (Ingiriiska) uu arrintaa gacan ka geysan doono.
Waxaa ay sidoo kale ka wadahadleyn muhiimadda weyn ee ay leedahay in Golaha Ta’siisiga ee Qaranka (the National Constituent Assembly) uu sida ugu weyn ee suuragalka ah uu u ahaado mid ay u dhan yihiin oo matalaya dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Ka dib markii ay kulan la qaateen Mudane Bellingham goor hore oo maalintaa ka mid ah, ayaa wakiillo ka socdey ururrada haweenka Soomaaliyeed ay arrintan taageereen (waxaana ay carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in bulshada rayidka ah si habboon la isugu duwo loogalana tashado geeddi-socodkan).
Dhammaantood waxaa ay isku raaceen in kuwani ay yihiin arrimo aan fududeyn in la xalliyo laakiin muhiim u ah in maamulka siyaasadeed (dowladda) ee xiga kan hadda jira uu noqdo mid sharciyadda uu ku fadhiyo ay ka wanaagsan tahay midda uu kan haysto iyo in uu noqdo mid ay la xisaabtamaan dadka Soomaaliyeed.
Mudane Bellingham waxaa uu Duqa magaalada ka dhegeystey horumarka laga sameynayo xasilinta Muqdisho, iyo sida bulshada caalamku ay gacan kale uga sii geysan karto dadaalladan.
Waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqey £1.5 milyan oo geniga Ingiriiska ah (oo la soo marinayo USAID) 12ka bilood ee soo socda si loogu maalgeliyo mashaariicda natiijooyinka degdegga ahi ay ka dhashaan si faa’iidada nabadda loogu muujiyo dadka Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa Mudane Bellingham warbixin kooban ka siiyey fasaxii uu Qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey siiyey AMISOM iyo qorshayaashooda ku aaddan in ay dibadda uga baxaan Muqdisho.
“Waxaa sidoo kale doonayaa in aan fursaddan uga faa’iideysto in ammaan u jeediyo ciidamada AMISOM ee weli naftooda ku bixinaya sidii loo heli lahaa Soomaaliya xasillooni iyo nabadi ay ka jirto. Waxaan ku faraxsanahay in aan la kulmey Jeneraal Mugisha si aan ugala munaaqashoodo muhiimadda uu leeyahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee cusub kaas oo waajibinaya taageero dheeri ah oo la siiyo ciidamada AMISOM ee tiradooda la kordhiyey”.
Mudane Bellingham waxaa uu sidoo kale dadka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf, oo geeriyoodey 23kii Maarso.
by Jayte
RM.
.