Dagaalka laga riday Laaska – Kalabeydh Oo La Dareemay Lagana Digay
Laaska News Apr. 4, 2012
Laascaanood – Dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Laascaanood iyo Kalabeydh wuxuu saameyn ku yeeshay deegaan dhan oo ay ku nool yihiin dad iyo duunyaba marka laga reebo qasaaraha nafeed ee uu dagaalkaas geystay.
.
.
Waxaa lagu soo waramayaa in qasaaraha meesha ka dhacy inuusan isku war hayn.
.
.
Deegaankan oo Laascaanood kaga beegan dhinaca koonfureed ayaa waxa uu noqday furin dagaal wuxuuna dhibaato ku yahay umaddii deganayd,xoolihii iyo dadkii socotada ahaa intaba,waxaana loo dareemay si weyn,waxaana shaki weyn laga qabaa waxa colaadda looga furay deegaan gaar ah oo ay degto hal beel.
.
.
Haddiise umaddu colaad galeyso maxaa nin walbaaba furinta uu yaqaanno udiiday,waxaannu ognahay in la kala lumay!mise falkaa qabtay in dhiig lagu daadiyo deegaankaa?
.
.
Waxaa la ogsoon yahay in “Khaatumana ay ciidan weerar ah soo dul dhigtay deegaanka” aan soo sheegnay,”Somaliland na ay weerarka la hormartay”.
.
.
Waxaannu ugu baaqaynaa ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumaba ee ku dagaalamay deegaankaa inaysan furin ka dhigan dad korkood,ayna ogaadaan “in aan loo dul qaadan doonin wixii hadda ka dambeeya,ayna keenayso isku dhac gudaha iyo dibadda intaba”.
.
.
.
Sidoo kalena ay keenayso hawl hor leh iyo deganaansho la’aan kusoo korodha dhammaan gobolka oo dhan.
.
.
Waxaannu ka digaynaa” jabhad cusub” oo labadaba ku furta furin oo badbaadisa dadkeeda,duunyadeeda iyo deegaanka hubka aan loo meel dayin lagu ridayo.
.
.
Waxaannu caalamka ugu baaqaynaa in fiiro gaar ah loo yeesho colaadda iyo barakaca lagu hayo umadda kunool deegaanada Buuhoodle iyo Laascaanoodba.
.
.
Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan dadka deegaanadaa kasoo jeeda inaysan u dul qaadan “ujeedada qarsoon” ee ka danbeysa waxa furinta looga dhigay deegaanka u dhaxeeyay “Laascaanood iyo Kalabeydh”.
.
.
Ninkii arrintan ay si kale ula muuqataw,waxaad eegtaa “bal shanta nin ee ilmaadeerka ah ee midi ka tirsan yahay Puntlnd,Midina Somaliland,Midina Khaatumo,Midina TFG da,midina uu afartaba kasoo horjeedo ee u dhashay SSC,sidoo kalana ay jilib walba oo beelaha SSC ah ay ku jiraan, 5 taas nin ee ilmaadeerka ah”
.
.
Maxamed Faarax.
.
Laascaanood.
Oo kaaley nimanka Buqsheenle kacabay saw berrina Barkadda dawladda ka cabi maayaan!
.
Mise waxay kaa taagan tahay war awrta hayga didin!!!!!!!!
.
Laaska News.
.