Somalia:Madaxweyne Shariif Oo Qaabilay Wafdi Kasocda Kenya
Sunday, April 22, 2012
Muqdisho, April 22 – Wafdi uu hogaaminayo wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa maanta kasoo dagay gagida dayuuradaha ee Adan Cadde Airport ee Muqdisho halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya sida lagu sheegay warbaahinta xukuumadda KMG ee Soomaaliya.
.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in wafdiga loo gudbiyay xaruunta madaxtooyada ee villa Soomaaliya .
.
Waxaa kale oo la sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya halkaana ay ku qaateen kulan ay albaabadu u xidhan yihiin.
.