Dawladda Soomaaliya Oo Calanka Hoos U Dhigaysa Geerida Afhayeenkii Hore Ee Baarlamaanka
Muqdisho -Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aas qaran iyo tacsi loo samaynayo afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sh.Maxamed Xuseen oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya sida lagu sheegay warbaahinta Qaranka.
Sidoo kalana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo 3 cisho ah oo baroor diiq ah oo ka bilawda maanta.
.
Arrintan go’aanka ah ee ay dawladdu kasoosaartay baroor diiqda qaran ee loo samaynayo Gudoomiyikii hore ee Baarlamaanka Sh. Mukhtaar ayaa la sheegay inay timid Kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay shir degdeg ah ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uuna guddoominayay R/Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mr. Carab.
,
Waxaa la sheegay in xukuumaddu magacawday guddi heer wasiiro ah oo qaban qaabiya aas qaran oo loogu samaynayo marxuumka maalinta Jimcaha ah.