Dikreeto Madaxweyne -”Gabeyre,Caynaanshe Iyo Dheel” In Dib Loogu Celiyo “Hantidii,Magacii Iyo Maamuuskii”
Laaska News Jun.17, 2012 Top News
Muqdisho – Qoraal kusoobaxay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md.Shiikh Shariif uu amar ku bixiyay in dib loogu celiyo hantidii maguurtada ahayd dhaxaltooyada marxuumiinta kala ah:
.
S/Guuto Salaad Gabeeyre Kediye.
Marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed
iyo C/qaadir Dheel.
Sidoo kalana dib loogu celiyo magacii iyo maamuuskii ay ku lahaayeen shacabka iyo ciidanka XDS.
Waxayna u qornayd sida:
Warbaahinta Qaranka:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta amar ku bixiyay in hantidii maguurtada aheyd dib loogu Celiyo dhaxaltooyada marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, Marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.
.
Dikreeto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay:
.
In madaxweynaha markuu arkay xerka Lr. ee soo baxay 10/09/1970 iyo kuwo kale oo ka soo hor jeeday xuquuqul insaanka laguna baabi’yay dastuurka, Waxa uu madaxweynuhu ammar ku bixiyay in loo celiyo dhaxaltooyada hantidii ay lahaayeen Marxuumiintaasi..
Sidoo kale Dekreetada ayaa lagu xusay in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 17/06/2012 madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya uu ammar ku bixiyay in loo celiyo hantidii maguurtada aheyd oo ay xukuumaddii meleteriga aheyd kala wareegtay marxuumiinta kala ah:
S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye.
Marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed.iyo C/qaadir.
Hantidaasi ma guurtada ah ayaa dikreetada lagu sheegay in ay isugu jirto:
.
Dhulal bannaan iyo dhismooyin ay hore u lahaayeen Sadexda marxuum kuwaas oo ku kala yaal duleedka iyo gudaha gobolka banaadir.
.
Waxaana xeerka lagu amray dadka heysta dhulalkaasi ama dhismooyinkaasi in ay did ugu soo celiyaan dhaxaltooyada marxuumiinta S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.
.
Sidoo kale isla xeerkan ayaa dib loogu soo celiyay magacyada iyo maamuuska ay ku lahaayeen shacabka iyo Ciidanka XDS, maadaama ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dhismaha iyo abaabulka lagu aas aasay ciidamada XDS.
.
Dekreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida ku cadna waxa uu dhaqangelayaa maanta oo taartiikhdu tahay 17/06/2012.
.
END
RM