Kulan Labaad Oo TFG – SL Ah Kana Heshiiyay Dhaqaalaha, Isku-socodka
Laaska News June 30, 2012

Dubai – Waxaa lagusoo waramayaa in kulan labaad ay yeesheen Madaxweynaha. Somaliya Md.Shiikh Shariif & Pres. SL Mr.Silaanyo June 29, 2012,kulankan oo ka dhacay Dubai oo aan waxbadan laga ogayna ayaa haddana waxaa loo badinayaa inuu la xiriiro kulankii ka horreeyay ee kadhacay isla magaalada Dubai Juun 28 keedii 2012 iyo waxyaalaihii ama qodobadii meel laysla dhigay.
.
Dhinaca kale warbaahinta dawladda oo kahadashay kulankan dambe ayaa sheegtay in kulankani ahaa mid lagu xoojinayay go’aanadii Juun 28 keeda ay labada madaxweyne gaareen.
.
Waxaana laraaciyay ama Dawladdu sheegtay in qodobka ugu muhiimsan ee meel lays la dhigay ee laga heshiiyay kulankan dambe uu yahay:
.
In laysku furo Dhaqaalaha labada dhinac,sidoo kalana
Isdhexgalka Siyaasiyiinta iyo Bulshada ee labada dhinac.
.
Arrintan oo u eg ama lagu macnayn karo in TFG da ama Somaliland ay tagi karaan Muqdisho iyo Hargeysa.
.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in“Iskaashi” hor leh uu meeshaa ka muuqdo,waa haddii ay dhab noqoto in Siyaasiyiintu ay isku gudbaan,inkastoo aan la ogayn waxay ku dambayn doonto,markase dhinac laga eego heshiiska maalinta hore uu sheegayo inay iska kaashanayaan Amniga iyo Budhcad badeedka,taasoo keenaysa inay wada shaqeeyaan.
.
Laaska News.
.
Related articles
Ban stresses need for comprehensive global response to piracy off Somalia – UN News
UN anti-crime office helps build Somaliland’s capacity to tackle maritime piracy
- Hogaamiyayaasha Soomaaliya Oo Ku Kulmay Dubai – Xiriirka Mustaqbalkooda (laaska.wordpress.com)
- Somali presidents meet in Dubai (bbc.co.uk)
- Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya -”Madaxweynaha Jamhuuriyadda” Oo Dubai Kula Kulmay “Madaxweynaha Maamulka Somaliland”
- Warkii Dalka -Shirkii Burcad Badeeda Looga Hadlayey Oo Dubai Lagusoo Gebagebeeyey
Shirka London Oo Lasoo Gabagabeeyay – Qodabadii