Qarax – Weerar Kadhacy Garissa,Kiiniya Oo Gaystay 17 Dhimasho ,
Waxaa lagusoo waramaya in qaraxyo ka dhacay magaalada Gaarisa ee kutaal waqooyi Bari ee dalka Kenya ay gaysteen qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.Qaraxyada oo la sheegay inay ka dhaceen laba kaniisadood,waxaana warbaahintu uga warantay siyaalo kaladuwan, warbaahinta qaarkood ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhaceen halka kuwa kalana ay sheegayaan in weerar lagu qaaday ama la isticmaalay qoryaha rasaastu ka dhacdo , sidoo kalana ku kala duwan qasaaraha dhimashada iyi dhaawaca halkaa ka dhacay.
.
Waxaana la sheegay in laba kaniisadood oo ku yaal magaalada Gaarisa lala eegtay qaraxyo amaweerar lagu qaaday ayna ku dhinteen dad gaaraya 17 qof,halka dhaawacan lagu sheegay inuu yahay in kabadan 47 qof sida ay kuwarantay BBC da oo soo xiganaysa mas’uul caafimaadka oo lagu magacaabo Dr. Mohamed Abdulkadir Cabeey oo kusugan Gobolka Waqooyi Bari.
.
Waxa la sheegay oo uu masuulkaasi raaciyay isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC du waydiisay “indadku ay qaarkood ay qabaan ama ay soo gaareen rasaas halka ay qaarkoodna ay qabaan dhaawacyo qaraxyo ah”.
.
Warbaahinya shiinaha oo soo xiganaysa shiinaha ayaa iyadu sheegaty in dhimashadu gaartay 16 halka dhaawacuna ka badan yahay 40.
waxaa kale oo la sheegay in laba ilaalo ahaana ay ku jiraan dadka dhintay.