Madaxweynaha Oo Magacaabay Guddoomiye Bank
Laaska News July 10, 2012
Muqdisho, Somalia- Sida lagu sheegay qoraal wareegto ah oo lagu faafiyay warbaahinta Qaranka ,kana soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Mr. Mohamoud,waxaa lamagacaabay xilka Guddoomiyaha Bankiga Horomarinta Soomaaliyeed,loona magacaabay
Qoraalka wareegtada ah ee Kusoo baxay Codka JS hoos ku akhri.
.
Madaxweyne Shariif Oo Magacaabay Guddoomiyaha Hormarinta Bankiga Soomaaliya
by Canab
July 9, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed ugu magacaabay Xildhibaan C/llaahi Axmed Afrax.
.
Wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay u qorney sidatan.
Xeer Madaxweynaha J.S
LR. 236 Taariikh 07/7/2012
Magacaabid Guddoomiyaha Bangiga Hormarinta Soomaaliyeed
Madaxweynaha J.S.
Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.
.
Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970.
.
Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.
.
Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya.
.
Markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka koowaad ee xukuumadda FKMG kuna xusan warqada tixraaca Lr. X.R.W 680 06/2012 ee 19/06/2012.
.
Wuxuu soo saaray xeerkan:
Qodobka 1aad
Waxaa maanta oo ah 07/07/2012 loomagacaabay Prof Cabdulaahi Axmed Afrax jagada guddoomiyaha bankiga hormarinta Soomaaliyeed.
Qodobka 2aad.
Mudanaha ku tilmaaman xeerkan waxaa lagu maamuusayaa xuquuqda iyo waajibaadkiisa sida uu qabo xeerka sharciga shaqaalaha rayidka Lr 11 ee soo baxay 5 desembar 2006 .
Qodobka 3aad
Xeerkaan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiinaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
END.