Masar – Reer Al-Askandariya Oo Kabo Iyo Tamaandho Ku Shiiday Wasiiraddii Kilintoon
Laaska News July 16, 2012
.

EPA.
Waxaa lasheegay in dadka deggan magaalada Al Askandariya ee ku taal dalka Masar ay kushiideen kabo iyo tamaandho (yaanyo) gaadiidkii lagu waday Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee maraykanka Helari Kilintoon.
.
Lama sheegin wax dhibaato ah oo soo gaaray wasiiradda iyo dadkii la socday.
.
Dadka ku mudaharaaday ayaa la sheegay inay ku dhawaaqayeen oo ku cel celinayeen Moonika, Moonika , waxaana magaca ’Moonika’ loo yaqaan ama ay ahayd qabdhii mar la saaray odaygeeda markii uu ahaa madaxweynaha, taasoo u muuqataa inay hadalkaa ay aflagaado shakhsiyadeed uga dhigayeen.
.
Waxaa kale oo la sheegay inay dadkaasi kasoo hor jeedaan booqashada ay kutimid Wasiiraddu iyo inay ku eedaynayaan xukuumadeedu in taageerayso madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Morsi ee dhaqdhaqaaqa walaalaha Muslimiinta.
.
Wasiiradda ayaa la sheegay inay katagtay masar oo ay ugudubtay xagga Israaiil.
.
Sidaana waxaa qortay jariidada ku hadasha Afka Ingiriiska ee (IF).
.
Laaska News.